Taariikhda Itoobiya oo Markii ugu horeysay La doortay ra’iisal wasaare Muslim ah!!!


Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya ayaa u codeeyay una doortay Nin Muslim Ah Abi Ahmed noqonayana madaxa cusub ee xukuumadda dalka, isaga oo badalay Haili Mariam Desaline, oo is casilay bishii hore.

Sida laga soo xigtay warbaahinta rasmiga ah ee Itoobiya, ayaa ku dhawaaqday in Gudoomiyaha Xisbiga Talada Haya ee EPRDF loo doortay Abiy Axmed Cali, oo ah masuul ka tirsan isbahaysiga EPRDF taas oo macnaheedu yahay in uu si rasmi ah loogu magacaabay ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Abiy Ahmed (oo dhashay 1976-kii) waa madaxa Ururka Dimuqraadiga ee Dadka Oromada ah, mid ka mid ah dhinacyadii Isbahaysiga EPRDF

Waa Sarkaal Sare oo hore uga tirsanaa Ciidamada qalabka sida ee Itoobiya, waxa kale oo uu noqday 2007-2010 madaxa sirdoonka dalka. Sanadka 2016-2017 wuxuu ahaa wasiirka cilmiga sayniska iyo tiknoolajiyada dawlada Itoobiya.

Demeke Mekonnen Hassan oo isna ka soo jeeda qowmiyada Amxaarada ayaa ku-xigeenkiisa loo doortay,Mekonnen isna waa Muslim ka soo jeeda Gobolka Wallo, Wuxuu horey u ahaa Ra`isal wasaare ku-xigeenka dalkaas.

Waxa la sheegaa in dadka Oromada ahi Itoobiya ka yihiin 50% dadweynaha.

Warqabadka TogaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso