Safiirka Sacuudiga ee Washington oo ku eedeeyay Iran in ay dishay Hariri isla markaana ay qorshaysay in ay disho al-Jubair

Prince Khalid bin Salman, Safiirka Sacuudiga ee Maraykanka, ayaa weeraray Iran, isaga oo sheegay in taariikhdeedu ku salaysan tahay dil iyo burbur.

“Xukuumadda Iiraan waxay qabanqaabisay oo ay fulisay howlgallada Argagixisada ee Buenos Aires 1993, Qaraxyadii Al-Khobaar ee 1996 iyo Qaraxyadii Riyadh ee 2003,” ayuu yidhi Safiirka Sacuudiga kuna qoray bartiisa Twitter-ka.

Waxaanu intaa ku daray kuna eedeeyey inay ka dambeeyeen weeraradii lagu dilay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Lubnaan Rafik Hariri ee ka dhacay caasimadda Beirut, isla markaana ay lacag iyo hub u siiyaan ururrada argagixisada, sidoo kalena ay qorshaysay inay disho Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sucuudiga Caadil Jubayri.

Prince Khalid bin Salman ayaa ku eedeeyay Iran in ay jabinayso dhammaan sharciyada caalamiga ah ayna ku hubaynayo lacag iyo Sawaariikh miliishiyaadka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso