Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka.

Kulanka madaxweynaha iyo xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo la xidhiidha dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka ee dalka kusoo foolka leh iyo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha dhinaca doorashada ah ee taagan.

Xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha uga xog-warramay halka ay wax u marayaan, iyaga oo sidoo kale wadaagay xogo ku saabsan deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinka, waxaana xaqiijiyeen inay dhinacooda meel wanaagsan marinayaan dedaalka ay ugu jiraan inay farsamo ahaan dhammaystiraan oo diyaariyaan jawi lagu hirgelin karo doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka oo sanadka soo socda dalka kusoo fool leh.

Ugu dambayntii xubnaha guddida doorashooyinka, ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey dedaalka uu ugu jiro inaanay dib u dhicin doorashooyinka dalka ka qorshaysani iyo sida uu diyaarka ugu yahay inuu meesha ka saaro dhammaanba caqabadaha

Advertisement

Ku Xayeysiiso