Dhaqanka surwaal miiqlayaasha W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Dhaqanka surwaal miiqlayaasha
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Waxa waayadan dambe aad ugu batay wiilasha dhallinyarad ah qaar saraawiisha isku dhajiya khaasatan kuwa ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee dalka Kuwaas oo ay iyagu xarago uga jeedan balse marka aad qimayso noqonaysa foolxumo balaadhan wiilasha noocan ahi bulshada qaar baa marka ay arkaan ku qosla halka qaarna ay u qajilaan.

Hadaba marka aynu dul istaagno xaragada noocaas ah dhib wayn ayaa ka haysta xidhashadooda mar marka qaar baa iyaga oo suuqayada lugaynaaya ay ka dilaacaan ileen waa maro ka yare foolxumo kale surwaalkan dhuubaan suun kuma xidhaan taas oo sababta inuu ka dhaco waayo mar walba waxaad arkaysa igoo dabada is haya ileen surwaalkaa kadhacayee dhanka kale markay bixinayaan dhibaataa ka haysata surwaalkan dhuuban wayo qaar baaba laa sheega marka ay guryahooda taagan in laga bixiyo markay iska biixn kari waayaan oo ay kabixiso kolba cida gurigooda joogta halka qaarna ay bacmiiko iskaga bixiyaan .

Waxay leeyihiin luuqad u gaar ah xataa haday adiga ku xamanyaan ma ogaanaysid oo waxay isticmalayan eryo ay iyagu isla fahmayaan oo aanad adu fahmayn eryadooda waxa ka mid ah.
Naga manac
Naga sii daa
nabarku muxuu yidhi
cabdigaa ka taabo
hangaftaan ma galaa
janan tuuga ma galaa
nagaxidh
waan macaaneeyey
xalaan cunay
waan ka habeeyay
Magacyada ay isku bixyaan ama isugu yeedhaan waxa ka mid ah
Xoor la baalasheeyay
il waraabe
dacawo
dhuuqaaye
cunaaye
digifle
quule
qudhac
dhoore.
Iyo qaar kale oo qosol badan.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso