Tallo Waa Mar Aad Garan Waydo iyo Mar Aad Gaadhi Waydo

Hadaanu nahay Qurbajooga iyo Qolqoljooga Ismail Sh. Isaxaaq (Garxajis), waxaanu ka digaynaa burbur ku yimaada Somaliland oo ifafaalaheedu muuqdo. Dalka waxaa loo soo huray naf iyo maal. Waxaa ku naf waayay kumanaan halyay. Waxaa lagu heshiiyay in Dawlad loo dhan yahay la dhiso oo aasaaskeedu cadaalad iyo wax wada lahaansho yahay. Nasiib darro, intii Xukuumadihii Kulmiye dalka ka talinayeen waxaa muuqatay in wixii lagu heshiiyay laga baydhay. Waxa aan shaki ku jirin in xilalkii dalka, dhaqaalihii dalka, madaxdii ciidamada, mashaariicdii horumarinta, ilihii dhaqaalaha, deeqihii waxbarashada (Scholarship), iyo qandaraasyadii xukuumadu bixinaysay in reero gaar ah lagu taxay oo lagu naasnuujinaayo. Iyada oo intaasiba jirtay ayaa waxaa xukuumadii Kulmiye ku darsatay, cabudhin, caga juglayn, xadhigyo ka baxsan qawaaniinta dalka inay ku kaceen. Waxaa ka sii daran in nin buug ku qoray cayda hablaha birmagaydada ah uu ku helay xil Wasiirnimo. Intaas oo dhami waxay keenaysaa kicin iyo kala qaybin bulshada dhexdeeda ka bilaabanta. Mar haday dadku gadoodaan oo ay kacaan, cid xakamayn kartaa ma jirayso. Waxaanu si mug iyo miisaan leh ugu baaqaynaa in Madaxweynuhu wax ka qabto arimahan hoos ku qoran oo sal iyo baar u ah wada jirka iyo sii jiritaanka Somaliland;
  1. In xilalka iyo khayraadka dalka loo sinaado.
  1. In Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Wacyi gelintu uu gubo buugan cayda iyo dhaqan xumadu ka buuxdo.
  1. In Madaxweynuhu shaqada wasiirnimo ka qaado Ina Guri Barwaaqo. Waayo, ninkaasi nin Wasiir u noqon kara ummada Somaliland maaha.
  1. In inanta xidhan ee Naciima Qorane oo muddo ka badan laba bilood xidhan oo ilaa imika aan Maxkamad la keenin, una xidhan fikirkeeda oo qudha si dhakhso ah loo sii daayo. Dastuurka aynu ku heshiinay melena kagama taalo in dadka lagu xidho fikirkooda shakhsiga ah.
  1. In Shirkada Telesom ee lugaha loo qabanaayo shirkadaha kale ee ay tartarnka ganacsi ku wada jiraan, faraha laga qaado. Sida Dastuurka ku taala, waa inuu suuqa ganacsigu noqdaa mid xor ah oo aanay Xukuumadu cid gaar ah kooto ugu xidhin.
  1. Cidii lunsatay lacagtii biyo balaadhinta caasimada ee Hargeisa oo xadigeedu dhamaa $153,000,000.00 ee Xumbaweyne waa in Maxkamad la soo taagaa.
Hadaba, iyada oo cadaalad darradu wada haysato beelaha Somaliland, hadana intaas oo dhacdo ee aanu sheegnay waxay ku waajahan yihiin beesha Garxajis oo la bar tilmaameedsanaayo. Ummada waxaa deeqda cadaalad, hadii la waayana la is xukumi maayo. Waxaa waajib ka saran yahay inay cadaalada iyo ilaalinta shuruucda dalka sugto, cidda marba xukunka haysa oo uu ugu sareeyo Madaxweynuhu.
Taariikhda dib ha loo raaco oo yaan god hore loogu dhacay lagu sii socon. Tallo waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo.
Wabillahi Tawfiiq
Waxaa baaqan diraaya ragga hoos ku qoran;
  1. Eng. Abdillahi Hassan Amay
  2. Dr. Osman Omer Dool
  3. Ahmed Abdi Hussein Indhogamuun
  4. Muj. Saeed Mohamed Yusuf
  5. Mohamed Abdillahi Essa
  6. Yasin Sulaiman Mohamed
  7. Ahmed Dualeh
  8. Mohamed Saeed Warsame
  9. Ali Hassan Dualeh
  10. Khadar Ismail Elmi
  11. Abdirisaq Haji Dahran
  12. Hussein Ahmed Guun
  13. Mohamed Elmi
  14. Muj. Ahmed Ali Abdi (Oday)
  15. Mustafa Ismail Ahmed
  16. Mustafa Ali Gaagaab (Jaylani)
  17. Jamal Muse Ismail
  18. Mohamed Ismail Bahilawe
  19. Hussein Osman Dhuux
  20. Abdi Nabadiid Warsame
  21. Hassan Ali Gaagaab
  22. Ibrahim Osman (Jeeni Foodcade)
  23. Mohamoud Abdi Ahmed
  24. Ahmed Mohamoud Ismail
  25. Eng. Abdi Omer Sudaani
  26. Mubarak Omer Ibrahim
  27. Muj. Adam Mohamoud Farah (Sikaawi)
  28. Mohamoud Mohamed Kaahin
  29. Abdi Ibrahim Maax
  30. Muj. Ali Mahir Jama
  31. Fuad Osman Muhumed
  32. Muj. Faisal Abdillahi Abdi
  33. Mohamoud Casayr
  34. Mohamed-Nageeb Ibrahim Ahmed
  35. Jamal Adam
  36. Adam Mohamed Ibrahim
  37. Mohamed Nour Adam
  38. Eng. Ahmed Sh. Omer Hussein
  39. Mohamed Yusuf Amay
  40. Ahmed Yusuf Jama
 
Regards
 
Abdillahi Amay                                                                                    T: 020 8401 3332
EBME Engineer                                                                                   Bleep: 775
Estates & Facilities                                                                              F: 020 8401 3329
Corporate Directorate                                                                         E: abdillahi.amay@nhs.net
Croydon Health Services NHS Trust                                               W: www.croydonhealthservices.nhs.uk

Advertisement

Ku Xayeysiiso