Hamad bin Jassem: Ilaahay Wuu ka Ilaaliyay Shar oo Dhan Sacuudi Careebiya


Ra`iisul wasaarihii hore ee Qadar Hamad bin Jassim bin Jabr al-Thani ayaa sheegay in beegsiga Sacuudi Careebiya ee Gantaalada Balaastikada uu yahay weerar lagu qaaday dalalka Gacanka ee Iskaashiga Gacanka.

Waxaan Allaa Cazaa Wajala Ka Baryayaa in dagaalkan oo ah mid ku kordhinaya adduunka Carabta iyo Islaamka waxaan ka ahayn khasaare uu joogsan doono.

Hadalka Ra’iisul Wasaarahii hore ee Qatar ayaa yimid maalin kadib markii kooxda hubeysan ee Xuutigu ay ku rideen todobo Gantaal oo lagu bartilmaameedsado magaalooyin Sacuudi ah, oo ay ku jirto caasimadda Riyadh,halka ciidamada isbahaysiga Carabta ay heegeen in difaaca hawadu ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan gantaaladan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso