SOMALILAND : SICIR-BARARKA QAYBTII 2AAD

SOMALILAND:SICIR-BARARKA QAYBTII 2AAD

Qaybtii 2aad.

Somaliland: Sicir-Bararka (Inflation):

Waa dhamaystirkiii qoraalkaygii shalay ee ku saabsanaa Sicir-bararka ka jira somaliland.

Aan sii dabagalo ,soona gunaanado , talona ka bixiyo aragtidayda siday ila tahay inuu ku iman karo xal dhow oo ummada ka fayda dhibta ka haysata sicir-bararka meceeshada .

Sicir bararka marka uu dal ku habsado , waliba wadan sideena oo kale ah (noloshiisu ku xidhantahay debada , aan wax soo saar lahayn , isu dheeli tirnayn soo dajinta iyo dhoofinta (import & export )), waxay ku daweeyaan , inay marka horefahmaan sababta keentay ( Origin of the problem) ,Si ay u qaadaan talaabadii ku haboonayd, (appropriate Actions).

Wadamada sideedna oo kale ah ( aqoonsi haysta laakiin aan waxba la soo bixin noloshooduna ku xidhantahay soo dajinta asaasiyadka nolosha ), had iyo jeer sicir bararka ka dhaca waxaa sababa waa isku badalka lacagaha qalaad ama sikale aaan u dhigo, lacagta qalaad oo suuqa ku yaraata (shortage of foriegn currency), sabab ganacsiga iyo wax kasta oo dalka la keenayo dabadaa laga kenayaa , dabadiina waxay u baahantahay lacag qalaad , markaas haday suuqa ku yaraato sicir barar ayaa imanayaa .

Somaliland dhibka sicir bararku halka uu fadhiyo waa halkaas ee sababtau ah lacagteeniina meesha ka saartay ,(shortage of foreign currency and devaluation of local currency ) .

Somaliland oo aan waxba soo saarin , nolosheenii oo dabada ku xidhan ,

ganacsatadii oo doolarkii eryanaysaa ,

suuq joogtii oo doolarkii eryanaysa ,

systemmkii dowladeed oo kaba dheeraynaaya ganacsatada oo lacag soo samaystay ka dibna dilay lacagtii wadanka, halkii ay lacagta wadanka ka ilaalin lahaayeen ,iyagii oo ku noqdayba qayb ka mida sicir bararka, siyaasad xumo dhaqaale oo dalka ka jirta , dadkeena oo inta wax haysataa baahidoodii ama level koodii nololeed kor u qaadmay (living standard ), bulshadeenii oo magaalooyinka kusoo batay , ka dib markay xoolihii dhamaadeen miyiga ,taasoo keentay inay baahidu badato , waxii la hayaana yaraadaan(demand &s upply) iwm.

Markay dhibtu dhacdo , had iyo jeer maamulka markaas jooga waxa laga rabaa inuu qaado talaabada ku haboon ee uu awoodi karo ,kuna suulin karo dhibkaas.

Dowladaha inala midka ah waxay markaba daraaseeyaan oo awooda saaraan nolosha bulshada oo ay u arkaan inay tahay masuuliyada aasaasiga ah (Primary responsibility),ka dibna ay qaadaan talaabo ku haboon ,iyagoo ku salaynaaya awoodooda.

Waxay ila tahay ; systemka dowladnimo ee aynu haysano , ayaa saamaxay in sicir bararku heerkan gaadho ,dowladnimadeena ayaa bacarimisay sicir bararka , ilaa hadana meel kale ayay ka raadinaysaa xalka,oo aan u arko meelahaas in talaabooyinka kale ka horeeyaan.

Looma baahna 4 shaqsi oo la yidhaa waa gudi oo meel fadhiista,oo goaamo uun iskaga dhawaaqa, xal ma keeni karaan , waa in si furan bulshadu dhibkan uga doodaa ,si wacan loo daraaseeyaa , waxa sababay la ogaadaa , masuuliyada cidii leh la ogaadaa , si furan bulshadu u garataa dhibkan iyo waxa keenay , ka dibna si degan oo laga bogtay dhan kasta , la daraaseeyey , la fahmay loo xalilaa.

Fahamkaas guud ka dib waxaan raacinayaa talaabooyinka aan u arko inay noqonayso xal lagu daweeyo dhibkaas ,waa hadii si wacan loo raaco loona fahmo daraasadeediina lasameeyo, kolay waan guud marayaa uunoo , qoraalkaa badanaaya hadii qodob qodob laysudul istaago waxay u baahnaanayaan qoraalo badan iyo waqti badan .

Talo bixinta aan siinayo cida howshan gacanta ku haysa ama ku foogan xalinteeda:

————————————————————————-

Dhib markuu dhaco , waxna wa xalka degdega ah oo aad wax ka qaban karto midina waa siyaasad dheer oo ku qotonta waqti dheer (Short term and Long term solutions ).

Dalkeena waxa lagaga badbaadin karaa sicir bararka ama baahida lacagta qalaad ,lacagteenana lagu ilaalin karaa waa iyada oo la xoojiyo korna loo qaado ,tiirarkeena dhaqaalaha , sida xoolaha , kaluunka iyo wax soo saarka gudaha dalka si ay u yaraato wax soo dajintu ,kadibna baahidii lacagta qalaad u yaraato , lacagteeniina lagu ilaaliyo . kaasoo kale waa qorshe fog ,oo aan maanta lagu xalin Karin ,oo u baahan waqti dheer , maaliyad badan , siyaasad wacan , iwm.

Markaas cida xalinaysaa sicir bararka maanta waa inay ku salayso ,waxii manta suuro gala , waxii waqti dheer ahna , waa inay record iyo baahin ku samaysaa , bulshadana fahamsiisaa bartaana bulshada (Social Education of National Barriers).

Waxay ila tahay waa in lagu dhaqaaqo talaabooyinkan:

1.   Dhamaan dowladu waa inay joojisaa lacagta aan loo baahnayn ee la soo daabacaayo, waa inay abuurtaa siyaasadii lagu ilaalinaayey lacagteena .

2.   Waa inay dowladu isticmaashaa lacagteeda ,dhaman waxii soo galaya iyo waxii ka baxaayaba waa inay ku bixisaa lacagteeda oo ay aamintaa lacagta dalka , si shacabkuna u aamino lacagtiisa,

3.   Waa inay dowladu abuurtaa siyaasadii ay ku sugi lahayd kalsoonida lacagta dalka ,ee qof waliba uga maarmi lahaa lacagta qalaad , wacyi galin rasmiya la siyaa shacabka oo ku saaban fahamka lacagta dalku leeyahay ee gudaha dalka ( Internal Cash (SL.sh.) Circulation Policy & its Orientation).

4.   Waa inuu shaqeeyaa ,la howl galiyaa bankgiga dhexe ee qaranka , waana inuu xakameeyaa oo ay hoos yimaadaan dhamaan hay’adaha lacagta ee dalka ka jiraa (all types of financial institutions currently operating in Somaliland must be counted and registered /controlled by the the Central bank of somaliland),

5.   Bankiga dhexe waa inuu jaangooyaa dhamaan sarifka lacagaha qalaad ee aanay bulshadu waxay doonto ku kala badalan(The central bank Must regulate and monitor closely the foreign currency exchange rate and take adequate actionswhenever needed to avoid inflations and other related issues .)

6.   Waa in bank dhexe ku dedaalaa inuu kaydiyo qayb ka mida lacagta qalaad ama adag ee dowlada soo gasha (Saving the foreign currency donated by the international communities to Somaliland government), Si dowladu ula dagaalamikarto ,hadii sicir barar yimaado ama lacagta qalaad yaraato (shortage of foreign currency), ganacsatada waawayn ee lacagaha qalaad hayana waa in bankiga dhexe isku dayaa in isfaham dhexmaro , oo bankigu xakameeyo lacagtooda (haday dhici karto).

Intaas waxa ii raacda waa in la abuuraa sharuuc ilaalinaysa ama xakamaynaysa sicir barar ku yimaada aasaasiyaadka nolosha bulshada , oo kala saari kara shayga aasaasiga u ah nolosha bulshada iyo shayga aan u ahayn ee bulshadu si faakahaysiya ugu baahantahay .

Dowladnimadu waa ilaalinta nolosha bulshada khaasatan inta taagta daran.

Tusaale hadii gaajo ku hayso , oo aad bas tahay ,laba meelooda waad aadi kartaa oo wax waad ka cuni kartaa,

i)   Waxaad tagi kartaa meherad yar oo bariis cad oo aan waxba lagu darin iibinaysa ,ama adaa karsan kara , bariiskaas cad waad ku gaajo beelaysaa , waadnad noolaatay,

ii)   Sidoo kale waxaad aadi kartaa ambassador hutel ama maansour hutel ama inta la midka ah, waad ka soo qadayn kartaa , gaajadiina waad kusoo reebi kartaa , waanad noolaatay.

Labadaasi maxay ku kala duwan yihiin .

Ka hore waa asaasi , inaad heshaa ama wax lamida (needs),

Ka danbe waa faaka haysi (wants).ama rabitaan.

Labadaas dowladu waa inay masuuliyad gaara iska saartaa aasaasiyaadka , waxa la xakamayn karaa sicirkooda , cashuurta waa laga yareeyaa , waa la kaabaa, waxa la dajinayaa waxa loo yaqaan (National Pricing Policy of Essential Commodities) , laakiin faakahaysiga dowladu xaq uma laha inay xakamayso ee waa inay cashuurtaa uun.

Si markaas looga hor tago sicir bararka asaasiyaadka nolosha bulshada waa in la abuuraa qaanuunkan ,

7.   Sharciga ilaalinta asaasiyaadka nolosha bulshada (Essential Commodities Act ):

Iyo sharciga kale ee kaabaya kaas una dhaxaynaaya iibiiyaha iyo iibsadaha oo dowladuna ku dhextaagnaan doonto labadooda , qaybna ka qaadanaaya xakamaynta ganacsatada bulshada wax u keena.

8.   Sharciga ilaaliyaha macmiilka (Consumers Protection Act).

Intaas waa talaabooyinka hada suuragalka ah ee la qaban karo .

Waxaan aaminsanahay hadii laysla helo , aqoon ,dowladnimo xilkasa oo ku dhisan ilaalinta nolosha bulshada iyo shacab garab gala, in la xalin karo dhibaatada sicir bararka ee dalka naafaysay.

Shaqadan waxaa qayb weyn kuleh wasaarada ganacsiga oo aad moodid inaanay iyaduvgaranahaynba kaalinteeda , wali iyadoo ka hadlaysa maan maqal mana dareemin.

Waan soo bandhigi doonaa insha allah.

Fiiro gaara:

Waan soo koobay , gaar ahaan shuruucda ugu danbaysa iyo sida loo marayo , ciday masuuliyadaasi saarantahay , masuliyada la dagaalanka iyo xakamaynta sicir-bararka cida dowlad ahaan ay waajib ku tahay ama saarantahay , meelaha ay iskaga iman karaan shaqo ahaan ,wasaarada ganagsiga ee dalka iyo siday u gabtay wajibaadkeedii nololeed ee bulsho ee saarnaa , maaliyada la mid , waxaas oo dhan ayaa mowduucan soo dhex galaaya ,loona baahanyahay in bulshada loo iftiimiyo . La soco qaybta danbe.

    

Abdirashid Hussein Yusuf ( Gahaydhle)

Email: Gahaydhle @live.com,

Doha, Qatar.

Advertisement

Ku Xayeysiiso