Ruushka: 64 Ruux Oo Carruur Ku jirto Ayaa Dabka Ku Dhintay

(Toggaherer)-Ruushka: 64 Ruux Oo Carruur Ku jirto Ayaa Dabka Ku Dhintay.

UGu yaraan 64 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen xarun laga dukaamaysto oo ku taalla magaalda Kemerovo ee gobolka Siberia ee dalka Ruushka.

Ruush

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegaysa in qaar badan oo ka mid ah dadka dhintay in ay carruur yihiin ilaa iyo haddana la la’yahay toban ruux.

Dabka ayaa ka bilowday dabaqa afaraad ee dhismaha lagu magacaabo Winter Cherry complex, dadka ku waxyeelloobay dabkaan ayaa lagu soo warramayaa in badan koodu ay ku jireen shaneeemo.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayey qiiq ka baxaya daaqadaha iyadoo dadka qaabilsan dab damiska ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan dadka iyo hantida.

Kemerovo, ayaa ah deegaanka ugu weyn ee laga soo saaro dhuxusha, deegaankaan ayaa magaalda Moscow ka xiga dhanka bari qiyaastii 3,600km (2,200 miles).

 

Dab ka kacay xarun laga dukaamaysto oo ku taal magaalada Kemerovo ee Siberia.

Dhismaha oo la furay sanadkii 2013 ayaa ka koobnaa makhaayado, meelo shaneemooyinka lagu daawado iyo sidoo kale meelo ay caruurrtu ku ciyaaraan.

Dabka ayaa la rumaysan yahay inuu ka kacay qayb ka mid ah dhismaha oo lagu madadaasho, sida ay kusoo warraymayso warbaahinta deegaanku.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Kemerovo, Vladimir Chernov ayaa sheegay in 13 maydad ah laga helay mid kamid ah qololka shaneemada.

Sida ay sheegayaan warar hordhac ah, saqafka saree ee dhismaha ayaa kusoo dumay labo kamid ah shaneemooyinka.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tass hawl-wadeenada gargaarka dagdaga ah ayaa ku guulaystay in ku dhawaad 100 qof ay ka daad gureeyaan dhismaha, waxayna badbaadiyeen 20 kale.

Ilaa iyo hadda lama oga waxuu dabku ka dhashay balse masuuliyiinta ayaa wada baaritaan.

Dab ka kacay xarun laga dukaamaysto oo ku taal magaalada Kemerovo ee Siberia.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso