Awooda shaqo ee Fayadhawr

Fariin Caafimaad.

Waxa jirta in cuntooyinka caanaha foodstuff daawooyinka rashinada dalka yimaada oo aan lala socon tayadooda isticmaal madaama aanay jirin qalab lagu ogaan karo marka ay kasoo degayaan dekedaha dalka waa in la helaa shaqaale sita aqoontoodi fayadhowr oo la socda badhitaana ku sameeya dhamaan goobaha ganacsiga
Waa in lala xisaabtama shirkadaha loo dhiibay maamulka qashinka magaalooyinka heerkooda waxqabad horumar shirkadeed ma aha ujeedadu in moyaradu ay hagbad la galaan shirkadaha laalush iyo musuqmaasaq caasimadahana uu qashinku buux dhaafiyey

Waa in kor loo qaada nadaafada hotels cuntada sida nadaafada goobta cunto karinta sida in la baadho caafimaad qabka shaqaalaha ka hawl gala hotels cuntada si looga hor tago xanuunada qaaxada xanuunada maqaarka ku dhaca ama caloosha shuban cunto sumow cudurka aids oo ka faafi kara goobahaas waa in la soo mariyaa shaqaalahas baadhista caafimaad qabka gaarka 6 biloodba mar si loola socdo fayaqabkooda uguna shaqeeyaan kaadhka fayaqabka shaqaalaha hotels cuntada goobaha caajiinka goobaha cabista goobaha rayiislayaasha iyadoo la fulinayo sida uu dhigayo qodobka78aad ee sharciga fayadhowrka
Waa in laga dhex saara shaqada fayadhowrka maamulka iyo shaqada dawlada hoose si ay ula yeeshan wada shaqayn shaqo wasaarada caafimaadka jsl si loo gaadho shaqo hogaan tixraac maamul fayadhowr oo hufan
Waa in kor loo qaada nadaafada qurxinta dhiraynta iyo bilicda magaaloyinka dalka. Si ay caasimadeenu u barbar istaagto caasimadaha caalamka waa in la ganaaxa cidii goob aan loogu talo galin ku tuurta qashin waa in ay maamulka dawlada hoose kor u qaadan dhiraynta qurxinta wadooyinka halbowlaha loona dhigaa weelka qashin qubka loogu talo galay si kor loogu qaado nadaafada caasimada oo aad u liidata
Waa in baarlamanka dalku ay ansaxiyaan xeerka iyo qawaaninta fayadhowrka dalka u dajisan si loogu dhaqmo tacriifada sharciga fayadhowrka dawliga ilaa heer maxkamadeed waxii khilaafsan fayadhowrka
Waa in dawlada hoose ururiyaan una sameeya weel qashin tuuris caagadaha sharaabka biyaha buux dhaafiyey caasimada hargeisa maadama oo ay qaadan lacag xaqal qashin ah dhamaan shirkadaha iyo warshadaha waxsoosarka ganacsi
Awooda shaqo shaqaale mushahar fayadhowr oo kur loo qaado waxay in badan wax ka taraysaa in la helo shaqo hufan oo leh tixraac maamul oo ay ku xisaabtaman goolaha deeganka caasimada dalku si ay shaqaaluhu uga foogadaan musuq maasaq iyo laalush
Waa in la baadha goobaha ganacsi sida bakhaarada farmasiyada goobaha nadaafada hotels iyadoo la eegayo cuntooyinka food stuf caanaha dawooyinka taarikhda isticmaalka muqaalka badeecada ganacsi in isbadal fayadhowr ku yimid sida daxal daasada fooc ama in taarikhda la masaxay etc
In kantroolada magaalooyinka loo dira shaqaale fayadhowr aqoonteeda is ka leh oo gudan kara badhista badeecadaha soo galaya magaalooyinka
In la helo dakhli ganaax fayadhowr hadii shaqaalaha kor loo qaado mushaharkooda shaqadooda iyo maamulkooda shaqo
In la hawl galiyo shaqaale haysta aqoon takhasus fayadhowr oo ay dhisan tahay nadaafadooda gaarka personal hygien caafimaad qabana xaanuunada maskaxda oo matali kara shaqaalaha caafimaadka dawliga ah si ay u raacan sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka dawliga ah
In dhiska guryaha sida sharciga fayadhowrku qorayo in lagu dhiso awooda maamul shaqo ee fayadhowraha sida noocyada shaqo ee dhiska haboonaanta goobta hawo qaadashada bulaacadaha

In la ilaaliyo dhaaman shirkadaha dhismaha caasimada magaaloyinka jsl goobta iyo qaabka dhismaha bulaacadaha wadooyinka laga bixinaayo sida loo dhisayo haboonanta goobta
In laga baahiyo idaacadaha dalka mareegtooyinka tvyada joornalada sharciga fayadhowrka dalka iyo shuurucda qawaanintiisa si ay bulshadu u fahanto macnaha ereyga fayadhowr iyo ujeedada uu xambaarsan yahay
In la tix galiyo lana soo celiyo haybadii shaqo shaqaale ee fayadhowrka degmooyinka dalka si u guto wajibaadka shaqo shaqaale uu uga masuulka yahay waa in waaxda fayadhowrka laga dhex saara waaxaha kale ee maamulka dawlada hosed maadama ay waaxdani tahay waax caafimaad
Waa in ay helaan shaqaalaha fayadhowku aqoon korodhsi badan si ay ula jaanqaadan caalamka
Waa in fayadhorayaasha dawlada hoose ay la hawl galaan shirkada maaraynta qashinka magaalooyinka si loo ganaaxo qofkii qashin ku tuura goob aan loogu talo galin lana ganaaxa

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso