Mohammed bin Salman oo ka hadlay hantidiisa: Anigu waxaan ahay qof hodan ah, anigu ma ahi Gaandi ama Mandela


Dhaxal sugaha Sacuudiga Prince Mohammed Bin Salman oo ka hadlayay iibsigiisa hantida qaaliga ah, ayaa sheegay in uusan bedelin qaab nololeedkiisa muddo 20 sano ah, waxaau sheegay inuu yahay nin hodan ah, “ma ahi Gaandi ama Mandela.”

“Nolosheyda shakhsi ahaaneed waxay u taagan tahay waxa aan rabo inaan naftayda u baxo, mana isku dayi doono inaan soo jiito dareenka dadka kale, haddii wargeysyada qaarkood rabaan inay wax ka sheegaan, waxay u taala iyaga,” ayuu yidhi ina Salman, wareysi uu la yeeshay CBS, .

“Anigu waxaan ahay qof hodan ah, ma ahi qof sabool ah, mana aan xiiseynayo Gaandi ama Nelson Mandela, waxaan ahay xubin ka mid ahay qoyska xukuma dalka oo jiray boqolaal sano ka hor aasaaskii Sacuudi Carabiya, Waxaan leenahay dhul balaadhan masaaxad ahaan, noloshayduna waa sidii aan ahaa 10 ama 20 sano. ”

“Laakiin waxa aan sameynayo qof ahaan waa in aan ka qayb qaato deeqda shakhsi ahaaneed ee arrimaha khayriga ah,” ayuu yidhi. “Ugu yaraan 51 boqolkiiba dakhligayga waxaan ku bixiyaa dadka halka 49% naftayda ayaan u qaata.”

Bishii Disembar ee kal hore wargeyska New York Times ayaa shaaca ka qaaday in Mohammed Bin Salman uu iibsaday Qasriga Louis XVI lacag ka badan 300 milyan oo doolar sanadii 2015-kii, qasriga ugu qaalisan dunida.

Sidoo kale Sannadkii 2016-ka, warbaahin badan ayaa soo wariyay in Dhaxal sugaha Sacuudiga uu ku iibsaday $ 500 milyan oo doolar Sawir gacmeedka ‘Lionardo da Vinci’.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso