Ciidamada Turkiga oo la wareegay Gacan ku haynta Magaalada Cafriin ee Suuriya

Ciidamada Dawlada Turkiga ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Cafriin ee dhacda waqooyiga wadanka Suuriya. 

Taliska ciidanka Melleteriga Turkiga ayaa ku dhawaaqay in ay maleeshiyaadka Kurdiyiinta PKK iyo YPD ay kala wareegeen gacan ku heynta magaaladan istiraatiijiga ah, goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaadka mucaaradka Suuriya ee Jayshul Xur ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada magaalada qabsaday.


Ciidmada mucaaradka Suuriya ee Jayshul Xur ayaa la arkayay iyagoo burburinaya taallooyin loo dhisay Bishaar Al-asad hoggaamiyaha Suuriya iyo Cabdala Oojlaan oo ah hoggaamiyaha Ururada Kurdiyiinta.

Howlgal loogu magac daray Laanta Zeytuunka ayuu madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogaan uga dhawaaqay waqooyiga Suuriya Bishii January 2018, howlgalkaas oo la sheegay in maleeshiyaadka Ururada Kurdiyiinta ka saari doono magaalooyinka xuduudka ay wadaagaan Suuriya iyo Turkigu.

.

Advertisement

Ku Xayeysiiso