Albania oo burburisay shabakad isku Xidhan oo ka ganacsata Tahriibinta dadka

Mas’uuliyiinta Albania ayaa xidhay 39 qof, oo ay ku jiraan bilays iyaga oo ku eedeeyay inay sameeyeen shabakad dembi oo waaweyn oo u tahriibiyay ka badan 1,000 qof oo reer Albaaniyaan ah una tahriibiyey dalka Mareykanka, Kanada iyo Ingiriiska.

“Kuwani waa toddobo kooxood oo dambiilayaal ah waxayna xidhiidho kale ku leeyihin waddamo badan oo Yurub ah iyo sidoo kale Ameerika,” ayuu yidhi taliyaha bilayska Ardi Filio oo ka hadlayey shir jaraa’id isagoo yidhi “Kooxaha dambiyadaas ku jiraa waxa ay ka soo jeedaan Albanian iyo ajaanib, waxay si sharci darro ah uga tahriibinayeen Albania ilaa sanadkii 2017.”

“Qaar badan oo muhaajiriin ah ma aysan gaadhin dalalkii loo waday sababtoo ah waxay tahriibiyayaashoodu kaga tageen waddamada Latin Amerika,” ayuu yidhi Felio.

Afhayeenka bilayska ayaa sheegay in 39-ka tuhmane, afar ka mid ah ay ahaayeen raggii amniga, iyada oo mas’uuliyiintu ay raadinayaan 12 tuhmane kale, oo ay ku jiraan Bulgarian.

Bilaysku waxa ay qabteen tiro baasaboorro sharci darro ah dukumantiyo been abuur ah, waxayna ku dhawaaqeen in hay’adaha socdaalka ee Tirana iyo Leja ay ku lug lahaayeen tahriibinta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso