Faaruqiinta Faysbuugga W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Faaruqiinta Faysbuugga
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Sandadan dambe waxaa soo kordhay aalad casri ah oo bulshda u sahlaysa in ay wada xidhiidhaan si dhib yar meelkasta oo ay dunid ka joogaan aaladan oo ah shabakadda faysbuugga loo yaqaan (facebook) ayaa waxa qabatimay soomaali badan kuwaas oo hadh iyo habeenba ku foogan isticmaalkiisa oo ay qarkood ku dhiig beeleen kadib markii ay mudo badan kusoo jeedeen isticmalkiisa ,

Hadaba shabakadda faaysbuug oo faaiido iyo khasaaraba leh taas oo ku xidhan hadba dhankii loo adeegsado ayaa waxa jira soomaali badan oo si faaruqnimo ah u adeegsada kuwaas oo qaababkan kala duwan u isticmaala.
Kuwo ka caytama
Waxa jira kuwo inta ay si toos ah u soo galaan ka caytama oo caaya hadba cidii qancin wayda sida madaxda, qabiilo, dawlado, siyaasi, cuqaal, iyo hadba cida ay sanifaan kuwaas oo ku caaya hadba wixii afkooda ku soo dhaca iyagoon u aabo yeelayn.
Kuwo anshaxa ku tunta
Waxa kale oo jira kooxo iygauna anshaxa ku tunta oo waxay doonaan ku sheekeeya mar marka qaarna soo dhiga sawro dad caan ah oo lagu dhajiyey dad qaawan mar marka qaarna ku baahiya sawirada lamaane aan is qabin oo ay sheegaan in ay isguursan doonaan mustaqbalka.
Kuwo waxay doonaan sheegta
Waxa kale oo jira kuwo iyaguna waxay doonaan sheegta iyagoon aqoon u lahayn sida dhakhtar, siyaasi, qoraa, suxufi, fanaan, aqoonyahan, injineer, abwaan, iwm
Kuwo ka dhex ooya!
Waxa kale oo jira kooxo aad moodo inay xaga maskaxda yihiin oo ka dhex ooya!
Iskuwada dar oo waxaan kula talin lahaa bulshada in dhanka wanaagsan loo adeegsado aaladan iwm ah.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso