Qatar Iyo Somaliya Oo Iska Kaashanaya Joojinta Maalgashiga Dekeda Berbera Iyo Farmaajo oo Ku Wajahan Qatar+ Mooganaanta Somaliland Iyo Imaaraadka shaafici maxamed

Madaxwaynaha Dawlada Fadaraalka Somaaliya Maxamed Cabdilahaahi Farmaajo Ayaa Lagu Wadaa Inuu 13 Bishan Safar Ugu Baxo Dalka Qatar Oo Uu Marti Galin Rasmiya Ka Helay,Ujeedada Safarkiisan Ayaa Salka Ku Haya Sidii Ay Dawlada Qatar Iyo Somaliya Isaga Kaashan Lahaayeen Joojinta Maalgashiga Dekeda Berbera Uu Ku Samaynayo Imaaraadku.

Wararka Aanu Ka Helayno Dalka Qatar Ayaa Sheegaya In Dawlada Qatar Ay Diyaarisay Qorshe Ay Dawlada Qatar Maxkamad Caalamiya Ugu Furayso Somaaliya SI Ay Ujoojiso Maalgashiga Imaaraadku Ku Samaynayo Dekeda Berbera .Boqorka Dalka Qatar Ayaa Lagu Wadaa Inuu Waftigan Madaarka Kaga Hortago Iyadoona La Qorsheeyey In Madaxwayne Farmaajo Loo Sameeyo Soo Dhawayn Milgaheedu Sareeyo Si Ay Qatar Uga Aargoosato Imaaraadka Oo Ay Xurguf Siyaasadeed Ka Dhaxayso.

Safarkani Lagu Maleegayo Joojinta Maalgashi Ee Dekeda Berbera Ayaanay Waxba Kala Socon Xukuumada Somaliland Oo Iyadu Heshiiskan Gashay Iyo Dawlada Imaaraadku,Sidoo Kale Macada Falcelinta Arintaasi Hadii Ay Suurta Gal Noqoto.

Maalgashiga Ay Dp-World Ku Samaynayso Dekeda Berbera Ayaa Xurguf Siyaasadeed Ka Abuuray Gacanka,Waxaana Dabka Kusii Shidaysa Dawlada Qatar Oo Ay Hore Cuna Qabatayn U Saareen Imaraadka Iyo Sucuudigu,Sidoo Kale Waxaa Qayb Ka Ah Dawlada Jabuuti Oo Shirkada DP-WORLD Ka Eriday Dekedaha Jabuuti.

Advertisement

Ku Xayeysiiso