“NATO Waa Ay Sii Joogi Doontaa Ciraaq Ka dib Codsiga Xukuumada Ciraaq“ Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in ciidamada NATO ay sii joogi doonaan Ciraaq dalab Maamulka Ciraaq uga yimid awgeed.

Wakaaladda “Agence France Presse” ayaa sheegtay in hadalka Stoltenberg uu yimid afar cisho ka dib markii baarlamaanka Ciraaq uu codsaday “jadwalka bixitaanka ciidamada ajnabiga.”

Stoltenberg ayaa sheegay in booqashadii naadirka ahayd ee Ciraaq uu la kulmay Raiisul Wasaare Haider Abadi: “Waxaan halkan u joognaa sababtoo ah Ciraaq ayaa rabtaa, maahan halkan in aanu iska joogno ee waxaan ku joognaa Rabtaanka Ciraaq,” waxaanu intaa raaciyay in xulafadu heshay codsi qoraal ah oo uu soo qoray Xaydar Cabaadi.

Isbahaysigu wuxuu ka caawin doona Ciraaq “dhisidda dugsiyada iyo akadeemiyadda militariga” iyo “ka shaqeynta dib-u-habeyn hay’adeed, oo ay ku jirto la dagaallanka musuqmaasuqa,” ayuu yidhi Stoltenberg.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso