Maalintii Uu ‘Baroortay’ Putin

(Toggaherer)-Maalintii Uu ‘Baroortay’ Putin.

Waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay ragga ugu kaniga adag aduunka, waligiisna indhihiisa illin laguma arag, balse waxaa jirta maalin uu ooyay, balse maanta markale ayuu soo xusuusanayaa sababtii uu u baroortay.

.

Waxa ay ahayd 24-tii bishii sanadkii 2000, xiligaas oo uu wax yar uu xilka hayay, waxayna ahayd aaskii loo sameeyay Anatoly Sobchak.

Wuxuu ninkani ka mid ahaa dadkii soo afjaray midoowgii Soviey ee shuuciga ahaa, waxayna aad saaxiibo u ahaayeen Vladamir Putin.

Waxa uu aad usoo gacan qabtay Putin isaga oo markaas ahaa sargaal darajadiisa ay hooseyso oo ka mid ah hay’addii sirdoonka Ruushka ee KGB, wuxuuna siiyay shaqadii ugu horeysay ee siyaasadeed.

Lama oga sababta uu u qaatay go’aankaasi weyn , balse maanta qeyb kasta oo dowladda ka mid ah waxaa qabsaday dadkii ka shaqayn jiray laamaha amaanka ee soofiyaatka (soviet), illaa heer ereyga dimoqoraadiyadda uusan xitaa micno samaynaynin marka laga reebo in afka laga sheego.

Doorashada dhawaan dhacaysaa ee madaxweynenimo waxaa u tartamaya 8 musharax oo uu Putin ka mid yahay, waxaana la’isku wada raacsanyahay in aysan shaki ku jirin natiijada, Puntina ay guushu raaci doonto.

Mid ka mid ah musharixiin waa gabadha lagu magacaabo Ksenia Sobchak, oo uu dhalay ninkii uu dartiis u baroortay Putin ee Anatoly.

Waxa ay horey u ahaan jirtay wariya taleefishin ka hadasha, oo markii dambe isu badashay mucaarad, balse ogolaanshaha in ay is sharaxdo waxa ay ka heshay dowladda, waana qaabka ay u shaqayso dimoqoraadiyadda Ruushka.

Sobchak iyo Putin oo duq magaalo iyo ku xigeen ka ah magaalada St Petersburg

Balse waa ay ka shalaynayaan hadda in loo ogolaaado in ay is sharaxdo, sababtoo ah gabadhan waxa ay kasoo muuqanaysaa warbaahinta, iyada oo soo bandhigaysa eedeymo musuqmaasuq.

Aabaheed markii uu ahaa duqa magaalada St Petersburg, Putina waxa uu ka dhigtay ku xigeenkiisa, kadibna waxaa dhacday in Mr. Sobchak lagu soo eedeyay musuqmaasuq, kadibna Putin ayaa garab siiyay oo diyaarad gaar ah inta u kireeyay u direy dalka dibeddiisa.

Xiligaas waxaa Ruushka ka talinayay Bores Yelsin, wuxuu ahaa nin qamriyo cab ah, oo ay adagtahay in uu xitaa shaqo tago.

Kadib ciidammadda sirdoonka ayaa Putin u carbiyay in uu xilka kala wareego.

Markii uu Putin isu soo sharaxay xilka madaxweynenimada markii ugu horeysay, ayaa waxaa geeri lama filaan ah geeriyooday Anatoly, wuxuuna ku dhintay qolkii uu ka degenaa hotel ku yaala magaalada Kaliningrad.

Waxay dowladda sheegtay in uu wadnaha istaagay, balse baaritaan la sameeyay ayaa la waayay wax astaan oo muujinaysa arrinkaas, waxayna xaaskiisa Lyudmila Narusova sheegtay in ay aaminsantahay in ninkeeda la dilay.

Markii la joogay aaskiisa, Putin waa uu ooyay, ogoowna Putin ma ahan nin jili kara waxa uu samaynayo, mana ahan qof soo bandhiga shucuurtiisa meel fagaaro ah.

Waxaa markaas la is weeydiinayaa in uu la ooyay baroordiiq ama in uu dareemayay in uu dambi weyn ka galay saaxiibkiis soo gacan qabtay?.

Waxaa jira fikrada badan oo sheegaya in Sobchak la dilay, loona dilay sababo la xiriira Putin, balse waa uun shaki.

Advertisement

Ku Xayeysiiso