Suxufi Xidhnaa muddo 19 sano ah Ku Xidhnaa dalka Uzbekistan oo la Sii Daayay


Guddiga ilaalinta suxufiyiinta (CPJ) ayaa soo wariyay in masuuliyiinta Tashkent ay sii daayeen wariye Yusuf Rosimoradov ka dib markii uu xabsiga ku jirey 19 sano.

Kooxda xuquuqda aadanaha ee Tashkent, Izogulik, ayaa sheegay in Rosemoradov noqonayo marka loo eego mudadii uu xidhnaa yahay Wariyihii Ugu Xabsiga Dheeraa adduunka.

“Yusuf Ruzimoradov ayaa lagu sii daayay magaalada Cherchik oo u dhow Tashkent 22-kii Febraayo, xaaladiisuna way fiican tahay,” ayuu yidhi Abdul Rahman Tashanov, oo ah sarkaal ka tirsan kooxda Xuquuqda Aadanaha.

Rosemoradov waxa uu u shaqeynayay Wargeyska maalinlaha ah ee Ark waxaana la xidhay 1999-kii, kadib markii lagu eedeeyay inuu wax ka sheegay xukuumadda, taageerayaashiisuna way diideen, isla markaana sheegay in eedeeyntiisu tahay kuwo aan sal iyo raad lahayn.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso