Dubai world ma diidine Xabashi yaa damiin ka ah?

Dubai world ma diidine
Xabashi yaa damiin ka ah?

Waxaan ahay dadkii ugu horeeyey ee taageeray heshiiskii dubai world, waxaanan u arkayey inay danta dalku ku jirto, waxase ka daba yimi heshiis kale oo dawlada Ethiopia qayb kaga noqotay, lacag qadadrkeedu dhan yahay US$ 80 000 000 ama siddeetan milyan oo dollar.

Waxan ahay nin waayaha aduun wax uga muuqdaane
Waxyi iguma soo dego haddana wax ima seegaane,

                              Abwaan Abdiraxmaan luggooyo, AHUN.

Haddaba waxaa muuqata in saamiga Somaliland u hadhay iyo inta xabashidu bixinaysaa aad u yaryihiin oo meesha khalad wayni ka dhacay.  Lacagta lagu kireeyey saamiga intaa leeg waxaa bixin kara ganacsatada somaliland iyo xawaaladlayaasheena. Waxay ahayd in aanay Ethiopia qayb ka noqonin heshiiskaa aragtidayda.

Imika iyo dan, waxaa la gudboon in heshiiska qaybta ay xabashidu qaybta ka tahay somaliland si farsamaysan uga noqoto. Tusaale ahaan iyada oo golayaasha oo wadajir u fadhiistay laalaan, oo ka soo qaadaan mid aan waxba ka jirin.

Heshiiska intaa leeg waxa la dhaafsan karaa oo keliya oo u dhigma waxaa ugu yar, ictiraaf dawli ah oo ay bixiyaan labadaas dal ee Ethiopia iyo UAE.

Mubarak qoorubaxay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso