WAX KA BARO URURRADA SAMAFALKA EE AAN DAWLIGA AHAYN

Ururrada Samafalka ee aan Dawliga ahayn ee loo yaqaan NGOs (Non Governmental Organizations), waa ururro aan macaash doon ahayn, isla markaana aan ahayn kuwo dawli ah, sidoo kalena aan ka qayb qaadan arrimaha siyaasadda. Ururradani waxay ku kala duwan yihiin hadba nooca ay u hawl galayaan, halka ay ka hawl galayaan iyo waxa ay ka shaqaynayaanba.

Ururrada samafalka ee aan dawliga ahayn waxa inta badan loo qaybiyaa laba nooc, oo kala ah kuwa Caalami ah iyo Kuwa Waddani ah. Ururrada caalamiga ahi waa kuwa ka hawl gala wax ka badan hal wadan, halka kuwa waddaniga ahi ay yihiin tusaale ahaan kuwa hawl gala Somaliland oo kaliya. Ururrada Waddaniga ahi waxay ka hawl gali karaan, wadanka oo dhan, gobolo gaara, gobol kaliya ama ilaa heer dagmo. Ururradani ha noqdaan ama waddani ama caalami, waxyaabaha kale ee ay ku kala duwan yihiin waxa ka mida waxa ay ka shaqaynayaan (sector), kuwaas oo noqon kara qaar ka shaqeeyo caafimaad, waxbarasho, xuquuqda aadamaha, maamul wanaag, horumarinta waxsoosaarka, i.w.m

Ururradani si ay uga hawl galaan wadamada ay ka shaqaynayaan waxay dawlada uga baahdaan waxyaabo badan. Ugu horayn, waxay dawlada uga baahdaan in ay helaan ogolaansho ay ku shaqeeyaan iyo in loo diiwaan geliyo loona aqoonsado in yihiin urur samofal aan dawli ahayn. Somaliland waxa uga masuula diiwaangelinta iyo ruqsad siinta ururrada aan dawliga ahayn Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. Waxa kale oo ay dawlada uga baahdaan in loo fudaydiyo socdaalka sida helitaanka dal ku galka (Visa) marka cid ay uga imanayso Hay’adda wadanka dibadiisa.

Waxa kale oo Hay’addahu uga baahdaan dawlada ogolaansho shaqo (work permit) si dad aan u dhalan wadanka ay u keenaan, ama shaqaalahooda ajaanibka ah.

Waxay kale oo ay dawlada uga baahdaan waxyaabaha ay ka midka yihiin Cashuurdhaafka markay alaab lasoo dagayaan, hubinta talaalada, diwaangelinta hantidooda, iyo waxyaabo kale oo badan. Intaas uun kuma koobna, sidoo kale dawlada waxay uga baahdaan in ay ku jihayso waxyaabaha mudnaanta u leh qaranka oo ay raacaan shuruucda iyo qawaaniinta wadanka u taal.

Si ay ururradani u shaqeeyaan waxay dawladu u samaysaa sharci lagu maamulo oo waxna faraya waxna ka reebaya isla markaana u ah ka ilaalinaya. Tusaale ahaan Somaliland, sharciga lagu maamulo ururrada dawliga ahayn waxa la yidhaa “Somaliland Nongovernmental Organizations Act” Xeerka ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland. Xeerku wuxuu qeexayaa waxyaabaha looga baahayn yahay ururrada iyo waxyaabaha iyagu u baahan yihiinba.

Ugu danbayntii, dadka jecel in ay xog ka helaan ururradu waa in ay wax ka bartaan siday u shaqeeyaan iyo shuruucda hagta labadaba.

W/Q: Huda Cabdi Iyo Samsam Yoonis
Development Studies
Amoud University
Borama, Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso