HALISTA KU DUUGAN SALDHIGA CIIDAN EE BERBERA

Wacan oo wanaagsan Bulshada Somaliland& Bahda Mareegaha dalka.
 
Xukumaddii hore ee uu gadhwadeenka ka ahaa Mudane Ahmed Mohamed Siilaalnyo ayaa heshiis la gashay Shirkada DPW ee laga leeyahay Dalka Emirateka si ay maalgashi ugu samayso Dekeda Berbera .Sidoo kale waxaa heshiiska Xukumaddu gashay qayb ka ah in Saldhig Ciidan laga siiyo Duleedka Magaaladda Berbera,isla Airportka Caalamiga ah ee Berberna loogu darro si Ciidamadan shisheeyey u adeegsadaan. Ciidamadan Heshisheeye ee la keeni doono Saldhigan Bebera ma ah kuwo u dhashay Dalka UAE,balse waa guraan-gur dalal kale oo Gaalo ah laga soo ururshay. Waa nooca loo yaqaano Calooshooda-u-shaqaystayaal ee la soo kiraysto Ciidankaasi. Dhamaan waa gaalo. Ma laha Diin, dhaqan iyo xakame toona. Waxaa ay ka mid yihiin bulshooyinka Caalamka qaybaha ugu liita. Ehelkoodu waa Macsi oo dhan,sida Mukhadaraadka,Dhilaysi, iwm.  Waxaa ay xambaarsan yihiin dhamaan Cudurada faafah ee dilaaga ah Ciidamadan shisheeye ee dalka Somaliland la keenaya.  Waxaa loo qorsheeyey Saldhigan Ciidan dhul cabirkiisu dhan yahay 60KMSQ ah oo ka mid ah Hantida Dalkan iyo Bulshadiisa S/land. Ujeedadooda ugu waayn ayaa ah in ay Saldhigan iyo Airportka berbera kaga duulayaan dalal musliin ah oo aynu jaar iyo jiiraan dhow nahay oo aan wax colaad ahi dhexdeeena oolin basle nabad,Walaaltinimo iyo,gana csi soo jireen ahi inaka dhaxayso.  Taasi awgeed,waxaa saldhigan u soo leexinaya bulshada S/land Godbo iyo colaad aan la agoonin sabab ay ku galabsadeen. Waxaana dabcan imaatinkooda Somaliland ka dhalan doonta colaad, dhibaato iyo weeraro dhinaca Cirka ah oo aan awood iyo itaal tooona loo hayin iyo difaac toona.
Ummada Somaliland ee dalka iyo Bulshadiisa lexoo-jecladu  ka haysaa,waxaa ay rejo ka qabeen in Madaxwaynaha cusub ee la doortay burindoono heshiiskan,gaar ahaan qaybta Saldhiga iyo Ciiidamo shisheeyey,laakiin maalin dhowayd ayuu ku dhawaaqay in aanu joojin doonin maadaama Xukumada ka horaysay la gashay shirkadan. Taasi oo bulshada u iftiimisay in Madaxwaye Muse ka mid yahay Saxeexayaasha Heshiiskan maadaama uu ka dhex muuqday xiliyada qaarkood wufuudii kulamadii Dubai ee shirkadan DPW iyo masuuliiyinta Xukumadii hore ee S/land ee mashruucan fool-eryeysay.Waxaana la sheegayaa Madaxwayne Muse in DPW gacan dhaqaale u fidisay xiligii ololaha Doorashooyinkii Dalka ka qabsoomay.  Taasi awgeed uu indhaha uga qarsanaayo halsita Saldhigani u leeyahay dalka Somaliland ee hogaamintiisa loo doortay,loona dhaarshay Mudane Biixi.
Bulshada S/land ayaa ah ummad 100% musilimiin ah. Isla ah Bulsho nadiif ah,ahna dhal iyo dhasheed. Waa bulsho dhaqan suuban eebe ku manaystay oo iswada arag iyo isisr taqaan oo aan badhax lahayn.
 
Hadaba,ciidamada shisheeye ee Calooshooda–u-shaqaystayaal ahi oo xumaan oo dhan xambaarsan ayaa dalka ku samayn doona dhalan gedi iyo cawaaqib xumo dhinacyo badan leh haddii aan xal lagaga hortago la helin.  Waxaa dalka ay ku reebi doonaan Ubad badan oo aan Aabeyashood la aqoonin oo kala midabo duwan. Asbaabaasi iyo kuwo kale oo soo if-bididoonaa awgood,waxaa bulshowaynta Somaliland ee  xalaasha ah looga baahan yahay bal in ay wax iska waydiiyaan xaaladdan Sadhiga Ciidan ee halisteeda leh. Sidoo kale bal in ay isku dayaan  talo iyo xal kasta oo lagu joojin lahaa Saldhigaasi cawaaqib  xumada badani ku duugan tahay inta goori- goor tahay. Waxaanan ku boorinayaa bulshowaynta Somaliland ee muslimiinta ahi in aanay dhayalsanin Saldhigan iyaka oo u hiilinaaya diintooda,dalkdooda,ubadkooda iyo dhaqankooda oo uu intaba  halis ku yahay.
Allah mahad leh.
Haji Mohamed Adam
Toronto

Advertisement

Ku Xayeysiiso