QORSHUHU WAA HAGAHA HORUMARKA: SOMALILAND IYO QORSHAHA HORUMARINTA QARANKA EE 2AAD

QORSHUHU WAA HAGAHA HORUMARKA: SOMALILAND IYO QORSHAHA HORUMARINTA QARANKA EE 2AAD
Dawlad kasta si ay horumar u samayso waxay dhigataa qodobo muhiima oo ay hiigsanayso dhinac kasta, haddii ay noqoto dhinaca dhaqaalaha, dhinaca arimaha bulshada iyo dhinaca siyaasadaba. Qodobadaas si loo gaadho, dawladuhu waxay samaystaan Qorshe Horumarineed (Development Plan). Qorshahaas oo iskugu jira mid dhaw iyo mid fogba. Qorshaha horumarineed waa ka caawiya waddamada aduunka in ay ogaadaan halka ay ka imaadeen, halka ay taagan yihiin iyo halka ay u socdaanba.

Sidoo kale qorshuhu wuxuu ka caawiyaa wadamada soo koraya in ay helaan jiheeye ay kula macaamilaan waddamada iyo Hay’addaha ka caawiya horumarka.

Somaliland markii ay dib ula soo noqotay xornimadeeda laga soo bilaabo dawladii Madaxweyne Tuur ilaa dawladii Madaxweyne riyaale muu jirin Qorshe horumarineed oo qeexaya ama daboolaya Dhamaan Wadaagayaasha (Sectors) kala duwan ee dawladda. Wakhtigii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin wax qorshe qaran oo dawladu samaysay muu jirin.

Waxa jiray qorshe ay wada sameeyeen Bangiga Aduunka iyo Qaramada midoobay oo lagu ogaanaayay waxyaabaha mudnaanta leh kaas oo la odhan jiray Somali Joint Needs Assessment (JNA) oo ay Somaliland qayb ka ahayd, inkastoo ay u sameeyeen Somalia oo ay Somaliland na ku jirto. Qorshahaas waxa badalay mid kale oo UNDP ay samaysay oo la odhan jiray Reconstruction Development Program (RDP).

Intaas wixii ka danbeeyay markii Sanadkii 2010kii Dawlad cusubi ka dhalatay Somaliland, xukuumaddii Madaxwayne Ahmed Mohamed Siilaanyo hogaaminayay waxay samaysay sanadkii 2012kii Qorshihii Horumarinta Qaranka ee ugu horeeyay ee Dawladda Somaliland yeelato, kaas oo ahaa jiheeyaha horumarka Somaliland. Qorshahaas oo ahaa shan sano (2012-2016) wuxuu ku eekaa sanadkii 2016ka. Sanadkii 2017ka dawladu waxay mar labaad soo saartay oo diyaarisay Qorshihii Horumarinta Qaranka ee Labaad (National Development Plan II).

Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Labaad oo ay samayntiisa iyo isku dubaridkiisa Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranku dalka uga masuultahay waxa loo maray markii la samaynayay afar Marxaladood, kuwaas oo kala ahaa; Marka koowaad waxa wacyi gelin loo sameeyay Dhamaan qaybaha kala duwan ee qaranku ka kooban yahay oo ka mid yihiin dawladda, ganacsatada, qurbojoogta iyo qaybaha kala duwan ee bulshadaba iyadoo laga wacyi galinayo loona sharaxayo Habka qorshayntu marto. Markii labaad waxaa qiimayn iyo shaybaadh lagu sameeyay xaalada guud ee dhaqaalaha iyo arrimaha bulshadaba iyo Dhamaan Wadaagayaasha la falanqaynayo lana hubinayo. Marxaladdii seddexaad waxay noqotay in la dajiyo hiigsiyada iyo waxyaabaha mudnaanta la siinayo 5 sano ee qorshuhu ka kooban yahay. Marxaladii ugu danbaysay ee Afraadna waxa la bilaabay qoritaanka nuqulkii ugu horeeyay ee qorshaha.

Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Labaad waxaa sees u ah oo uu ku salaysan yahay Hiigsa Qaranka ee 2030 (Somaliland Vision 2030) iyo qorshaha caalamagi ah ee Sustainable Development Goals (SDG). Qorshuhu waxa uu ka felcelinayaa oo yool u ah seddex qodob oo kala ah:

I. Yaraynta Saboolnimada iyadoo loo marayo kordhinta fursado ganacsi iyo maalgashi dhinacyada dhalinyaradda, adeegyaddda, waxsoosaarka iyo kaabayaasha;

II. Kor u qaadista u adkaysiga isbedelka cimilida iyadoo loo maraayo maaraynta deegaanka, maaraynta biyaha, isku filnaansho cunto iyo kala duwida dhaqaalaha;

III. Ilaalinta xuquuqda aadamaha ee muwaadin kasta iyadoo loo marayo maamul wanaag, sinaansho adeegyadda bulshada iyo Dhaqaale laga wada qayb yahay.

Dhamaan Wadaagayaasha (sectors) qorshahani daboolayo waxa sees u ah shanta tiir ee kala ah: Horumarinta dhaqaalaha, Kaabayaasha dhaqaalaha, Maamul Wanaaga, Horumarinta bulshada iyo Ilaalinta deegaanka. Qorshaha hirgalintiisa waa masuuliyad wada saaran bulsho waynta Somaliland. Waxay si gaara u saaran tahay Hay’addaha kala duwan ee dawlada ee ka masuulka ah hirgalinta qorshaha, iyadda oo hay’ad kasta laga rabo in ay hirgaliso inta kaga aadan. Dabagalka iyo Qiimaynta Qorshahu waa masuuliyad hoosaad saaran hay’ad kasta oo dawladeed inta kaga aadan. Si guudna Qaranka waxa uga masuula Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo Qaranka u qaabilsan dabagalka iyo qiimaynta guud.

Ugu danbayntii, barashada qorshaha horumarinta qaranku waa masuuliyad saaran muwaadin kasta, hirgalintiisuna waa mid ay muhiim tahay in lagu dabogalo lagalana shaqeeyo hay’addaha qaranka ee u xil saaran. Iyadoo ay bulshada iyo ganacsataduna qayb laxaadleh ka qaadanayaan hirgalinta qorshaha oo aanay ku koobnayn dawlada oo kaliya. Waxaanu soo jeedinaynaa in bulshadu ka wada hawl gasho sidii looga midho dhalin lahaa horumar waara oo qarankani gaadho.

QORSHUHU WAA HAGAHA HORUMARKA

W/Q: Amran Xuseen Xasan iyo Samiira Cali Maxamed
BA in Development Studies
Amoud Univesity
Borama, Somaliland
27TH Feb 2018

Advertisement

Ku Xayeysiiso