Washington waxay ku dhawaaqi doontaa ciqaab cusub oo ku wajahan Ruushka muddo 30 maalmood ah


Maraykanka ayaa sheeggay inay cuna qabatayn cusub oo ku aaddan Russia muddo 30 maalmood ah gudahood soo saari doonaan, Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Stephen Menuchin ayaa sidaa shaaca ka qaaday.

“Waxaad filan kartaan cunaqabateyn cusub 30=ka maalmood ee soo socoda, waxaan fulineynaa cunaqabateynta iyo in la sameeyo ciqaab cusub,” ayuu yidhi wasiirku, sida laga soo xigtay wargeyska Bloomberg kana soo xigtay Bartiisa Twitter ka .

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Heather Neuert ayaa horay u sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku ay tixgelin doonto cunaqabatayn la saaro 13 qof oo Ruush ah oo ku qoran liiska “Muller List” oo ku saabsan eedeymaha faragelinta doorashadii 2016.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso