Tehran Oo waydiisatay Riyad inay kordhiso saamigeeda xajka


Iran ayaa waydiisatay Sacuudi Carabiya in ay kordhiso tirada Xujeydooda uguna daraan sanadkan tiro dhan 5,000, iyada oo wadarta tirada dadka u dhashey Iran ee Xujayda 90,000, sida uu sheegay madaxa Hay’adda Xajka Iran Hamid Mohammadi.

Diiwaan-galinta magacyada kuwa doonaya in ay u safraan Sacuudi Careebiya si ay u gutaan xajka sanadkan waxay bilaaban doontaa 27-ka Febraayo, waxayna bilaabi doonaan ambabaxa Xajka 17-ka July, taas oo noqon doonta muddada ay joogaan Saudi Arabia 40 maalmood.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan soo jeedinaynaa Sacuudiga in ay ku daraan 5 kun oo xaaji tirada Xujayda reer Iran tiradooduna gaadho 90,000 oo xaaji.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso