Magacaabis iyo Maagane (W.Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

Magacaabistu waa sunnaha dawladnimo ee uu dhigaayo dastuurka qaranka jamuhuriyadda Somaliland kaas oo muwaadin kasta oo leh awood caqli ahaan, cilmi ahaan iyo cudud ahaanbaa loo igmado xilalka qaranka leyahay isna ay waajib ku tahay inuu ugu shaqeeyo si hufnaan iyo hagrasho la,aani ku jirto, maalin walba waxaad arkaysaa in magacbis kasta oo ka soobaxda xafiisyada awooda u leh loo dhag taago taas oo qof waliba uu arko magacbista, isku badalka iyo xil kaqaadista masuuliyiinta dawlada ee heer wasiir ilaa heer madax qaybeed.

Dhalinyaro badan oo ka mida aqoonyahanka dalkan wax u soo bartay iyo kuwo iyagu leh khibrad shaqo oo inbadan joogay gobaha shaqada ee dawlada ayaa aad uga dhex muuqda tartanada iyo dadaalada ay ku donayaan inay ka mid noqdaan masuuliyiinta hela kalsonida madaxweynaha ee magacabista xilalka qaranka iyadoo aad arkayso in maalin walba oo ay soo baxdo wareegto madaxweyne aad loo hadal hayo dhalinyaro iyo waayeel lana falan qeeyo masuuliyinta talada dalka ku soo biiray iyo kuwa la badalayba.

Waxa iyana jirta in aad arkayso masuuliyiinta hayadaha dawlada ee uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u magacabay xilalka ay iyaguna xushaan hadba cida ay is leeyihiin way kula shaqayn karaan kulana jaan qaadi karaan,iyaadoo masuul waliba ku xusho dariiq iyo hanaan uu isagu is leyahay wasaraddada iyo hayadada wax badan ayay tari karaan, run ahaantii waa mihiim in talada qaranka hadaba cida loo arko inay gudanayso lagu aamino mansabada heer wasiir ilaa heer madax qaybeed
Inta la magacabay waxaa ka badan inta maaganaha iyo damacu kaga jiro xilalka iyo masuuliyadaha qaranka ee aan kor ku soo xusay kuwaas oo han iyo hogaamin talo ku jirtay niyadoodana ay ka dhexguuxayso hadba halka ay isleyihiin waxbaad ka qabar karaysaa qarankana horumar ayaad ka gaadhsiin kartaan, balse waxaa wajiba in ay garawsadaan talada qaranku tahay qori isugu dhiib maalinba uu masuul joogo xafiiska oo haday maantaa waayen xilalkii ay u hanqal tagayeen ay bariba heli karaan

Ugu dambayntii waxaan kula talin lahaa in cid walba oo haysa masuuliyad qaran ee heer Wasiir ilaa heer madax qaybeed ay ugu shaqeeyaan qarankooda cadaalad iyo sinaan kuna xushaan masuuliyiinta ay iyagu u aqoonsadaan inay hanan karaan waajibadka qaran ee ay u magacabayaan kana fogaadan xanuunka qabyalada , sidoo kale masuuliyiinta maganaha xilalka ahaa ee aan nasiibka u helin yanay u arkin inay yihiin kuwo la dulmiyey ee ha yeshaan samir ay ku sugaan maalintooda waana hubaal in xilku meerto yahay oo bari ay noqon donaan kuwa talada iyo toosintaba gacantooda kaga qayb qadan doona.

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)
(BA Economics and MBA Accounting and Finance, Mount Kenya University)
Mukhtarian.net@gmail.com
00252-634241542

Advertisement

Ku Xayeysiiso