Maxkamadda Sare oo Ka Mamnuucday Nawas Shariif in Uu Hogaamiyo Xisbigiisa!!!!


Maxkamadda Sare ee Pakistaan ayaa go’aansatay in ay ka mamnuucdo Nawaz Sharif, tan iyo markii uu baneeyey xilka Ra`isal wasaaranimo bishii July, inuu gudoomiyo ama hogaamiyo xisbiga talada haya ee waddankaas, ka dibna ka qaybqaato doorashada madaxweynenimada ee soo socota.

Go’aanka ayaa imaanaya bilooyin kadib markii uu codka kalsoonida u qaadeen xildhibaannada Xisbiga “Islamic League” Xeer u oggolaanaya Shariif in uu sii hayo hogaaminta xisbiga, hase yeeshee maxkamada sare ayaa ka hor istaagaysa musharaxnimada doorashooyinka soo socota.

Mid qudha oo ka mid ah 15Xukuumadood oo soo maray Baakistaan tan iyo Todobaatanaadkii ayaan iyagu dhamaysan Mudada Xukunkooda oo ah in ay Xilka hayaan Shan Sanadood , Shariif Saddex Goor ayaa uu baneeyey Xilka isaga oo aan dhamaysan Mudadiisa , Mar Fadeexad musuqmaasuq oolagu soo oogay, Mar Afganbi milatari Markii sadexaadna Go`aan Maxkamadeed.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso