Daawo- Wareysi-Md- Madaxweyne Muuse Ayaan Somalia Wado Hadal Lala furin Waa Cadowgeenee (salebaan Marduuf).

(Toggaherer)- Wareysi-Md- Madaxweyne Muuse Ayaan Somalia Wado Hadal Lala furin Waa Cadowgeenee (salebaan Marduuf).

Daawo Wareysigaasi Uu Muwaadin Axmed Saleebaan (saleebaan Marduuf )uu siiyey shakadani Toggaherer,waxaanu si kulul uga soo horjeestay wado hadalada usoo socday labada dowladood Ee Somaliland iyo somalia,waxaanu ku sababeeyey in aanay Somalia daacad ka ahayn wado hadaladaasi.

Axmed Saleebaan (saleebaan Marduuf) waxa uu fariin u diray labada dowladoood ee Turkiga iyo dalka jabuuti oo uu ku sifeeyey in aanay dhexdhexaad ka noqon karin wado hadalada la filayo .

Geesta kalena Axmed saleebaan waxa ka damqaday dadka Ajaanibka Ee dalka Gudihiisa Sifaha bilaa sharciga ku jooga ,waxaanu farta ku fiiqay in dadkaasi ajaanibka ahi ay dhaqan xumo ku hayaan dadkeena muwaadininta ah , arrintaasi wax laga qabto.

Advertisement

Ku Xayeysiiso