WHO Ayaa Daboolka ka Qaaday Sara U kaca kiisaska Jadeecada Ee Qaaradda Yurub

(Toggaherer)-WHO Ayaa Daboolka ka Qaaday Sara U kaca kiisaska Jadeecada Ee Qaaradda Yurub

Measles

Qaaradda Yurub ayaa wajaheysa kor u kac ku yimid kiisaska cudurka Jadeecada illaa iyo sanadkii 2017-kii, taasoo Hey’adda Caafimaadka Adduunka ay ku sheegtay masiibo.

Kiisaska ayaa sara u kacey 400%, taasoo saameysay in kabadan 20,000 oo qof, 35 qofna ay u dhinteen.

Dalal ku yaalla Yurub oo gaaraya 15, oo ay ku jirto UK, ayuu si balaaran uga dilaacey cudurkan. Kiisaska Jadeecada goobaha laga helay waxaa ugu badan dalalka Romania, Italy iyo Ukraine.

Khuburada ayaa ku sheegay sababaha laba kacleynta ee cudurka inuu yahay dadweynaha oo neceb qaadashada talaalka cudurka Jadeecada.

Hey’adda WHO ayaa sheegtay inuu hoos u dhac ku yimid habka gaarsiinta talaalka iyo hannaanka kormeerka

cudurka.

Dhakhtar Zsuzsanna Jakab, oo kamid ah Hey’adda Caafimaadka Adduunka, ayaa sheegay: “Qof waliba oo uu cudurkan Jadeecada haleelay waxay inoo tahay xasuus, in ilmaha iyo dadka waa weyn ee aan la talaalin, iyo khatarta cudurka iyo inuu kusii faafo dad kale,

Waxaa lagu arkey UK 282 kiis 2017-dii, taasoo lala xiriirinayo sii socoshada uu kusii fidayo cudurkan qaaradda Yurub.

Toddobaadyo kahor, hannaanka dowladda ee caafimaad Ingiriiska, ayaa ka digay kiisaska cudurka Jadeecada, iyadoo lagu arkey gobolo kamid ah England.

Dhamaadkii bishii January sanadkan 2018-dii, waxaa la xaqiijiyey iney jiraan kiisas gaaraya illaa iyo 51, oo laga helay gobolada West Midlands.

Jadeecada, waa cudur si deg deg ah ku fida, dad badanna dili kara waqti kooban, tTallaalka MMR ayaa loogga hortagi karaa cudurka Jadeecada.

MMR vaccineLahaanshaha sawirkaSPL

Talaalka waxaa la isu siiyaa laba dhibcood oo lagu shubayo afka ilmaha yar.

Dadka waa weyn ayaa iyaguna qaadan kara, haddey kal hore gaftey fursadda ay ku heli lahaayeen talaalka cudurkan Jadeecada.

Astaamaha cudurka Jadeecada waxaa kamid ah Sandareer, Qufac, Hindhiso, Indhahoo Guduudta, Qandho heerkeedu sareeyo, maalmo kadibna indhihii guduudna waxey isu badalaan midabka Kafeega.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso