Xus oo xasuuso Dhagaxtuurkii

Maalin xasuustayda ku weyn.

Dhagaxtuurkii 20kii feb 1982

Da’ada naga yareey waxaad fasheen, waan ku diirsadeye.

Deymooney baalaha, sidii duul baraarugaye.

Alleh ha idin daayee xilbaad, naga dul qaadeen.

Abwaan Qaasim(AHUN).

Maalmuhu kala xasuus mudane, 20 ka february waa maalin aniga iyo qayrkey toona aannaan waligay ilaabayn. Waa maalintii gadoodkii ardaydii caruurta ahayd xabada dhagax kala hor tageen, waa maalintii hortayada xabad loogu dilay asxaab aanu wada kornay, qaar kale oo badana xabado loogu dhaawacay. Waa maalintii xabsiga lagu guray wiilal iyo hablo aanu isku jiil ahayn oo qaar badan oo ka mid ihi xabsiyada iyo xerooyinkii milatariga ku dhex dhinteen.Waa maalintii aanu ku dhiiranay calool adayga iyo in aanu dhagax miciinsano oo iska caabino xabadii ciidamadii axmaqa ahaa ee Siyaad Barre ( Alle Siduu doono ha ka yeelee).

Waa maalin tacadigii, cagajuglayntii iyo dhibtii ummadda lagu hayay uu kar ka keenay, lana qarsan kari waayay.

Waa maalintii aanu u adkaysan weynay in hortayada lagu ciqaabo macalimiintayadii, dhakaatiirtii iyo aqoontahaynkii reer Somaliland ee iskood isu xilqaamay si ay wax uga qabtaan dayacii baahsanaa ee ka muuqday adeegyadii bulshada ee haamaankii kali-taliska ahaa dayacay.

Waa maalin ka soo xuub siibatay qorshihii uu manaxe Gaani ku qoondaystay in uu rag badan oo lixdameeye indheergarad ahaa uu ku laayo, balse ayna tiisii u noqon, waloow uu jeelka ku guray rag badan oo iskugu jray dhakhaatiir, macalimiin, iyo ganacsataba bishii november 1981. Waa raggii aasaasay ururkii UFFO ayna ka mid ahaayeen:

1-Dr. Aden Abokor

2-Dr. Osmaan Meygaag

3-Abdilahi Ali Adar (Colaad)

4-Yusuf Gaydh

5-Eng. Maxamed Baaruud Cali

6-Dr. Maxamuud Sheikh Xasan Tani

7-Dr.Maxamed Xaji Maxamuud Cumar-Xaashi

8-Axmed Muxumed Madar

9-Axmed Maxamed Yuusuf-Jabane

10-Aden Warsame Siciid

11-Xuseen Mohamed (Berberaawi)

12-Baashi Cabdi Yusuf

13-Mohamoud Abdi Jiciir

14-Ahmed Husein Caabi

15-Cali Cige Farah (Ali-biid)

16-Cumar Ciise Cawaale

17-Mohamed Abdi-Ayuub

18-Said Mohamed Ibrahim (Gadhle)

19-Dr. Mohamoud Ali Sulub

20-Mohamed Macalim Osman

21-Mohamed Digale Hirsi

Iyo rag badan oo kale.

Xadhigaa mutacalimiintuna wuxu kabriid u noqotay qaraxii halgankii ardaydii reer hargiesa. Waxa durbaba aasaasmay ururo qarsoodi ah oo ay ardaydu yeelatay kaasi si dhab aha ugu baahay dhamaan gobaladii Somaliland. Ururadaas oo hormuud u noqday abaabulkii dhagaxtuurki bilaabmay maalintii 20kii feb. Waana dhacdadii abwaan Hadraawi ka keentay maansadii ay tuducyadani ku jireen:

Hargeysi ma toostay

Hogaanka ma diiday

Harqoodka ma tuurtay

Inaanay hummaaga

Hadoodilan yeelin

Sidii hebed geel ah

Heshii Nebi Saalax

Horaadada dhiibin

Hankeedu ma siiyey.

Waxay hibanayso

Ninkay la hadlayso

Hagaag ma u sheegtay

(Abw Hadraawi)

Maalintii sabtida ahayd ee 20kii February 1982 ayuu haddaba Gaani qorshaystay in uu maxkamadii badbaadada taago mutacalimiintii  UFFO balse umay suurogalin ka dib markii ay ardaydii dugsiyadu ku gadoodeen maxkamadii. Iyadoo dugsigii sare ee 26ka june oo aan aniguna arday ka ahaa uu isla subaxdiiba ardaydu wadaageen dareenkoodii ku aadanaa in maanta macalimiintoodii maxkamada la keenayo oo dil lagu xukamayo, waxaana loo balamay in marka nusasaacaha loo baxo maxkamadda la tago.

Haddii nusasaacihii loo baxay waxaanu u soo dhaqaaqnay dhankaa iyo maxkamadii, waxaanu ku sii hakanay guriga shaqaalaha oo arday badan oo Juun iyo Faarax Oomaar ahiba wakhtiga nusasaacaha u soo shaah doonan jireen, wixii war ahaa iyo talona la isku weydaarsaday. Waxaanu soo gaadhnay maxkamaddii iyadoo ay hor buuxaan dad faro badan oo iskugu jiray arday, qaraabadii dhalinyaradii UFFO iyo dad shacab ahba.

Waxoogay ka dibna waxa yimid saraakiil ciidankii C.I.D -da ka tirsanaa oo Cabdillaahi Baylamber watay, waxaanu nagu wargaliyay in aanu meesha iskaga tagno oo aan dhalinyardaii UFFO maanta maxkamadda la keenayn. Balse nooma ay cuntamin arrinkaasi,  waxaana aanu  bilaabnay in dhagixii ugu horeeyay lagu tuuro maxkamada, askartiina xabadii u horeysay meesha ka rido. Taasi oo dhalisay in ardaydii ku qamaamto maxkamaddii.

Markii maxkamaddii badbaadada dhalfiifaha laga dhigayna waxaa loo dhaqaaqay maxkamadihii kale ee goobtaa ku yaalay halkaasi oo fooda laysku daray askartii ilaalinaysay. Waxaa is waydaartay dhagaxa iyo xabadda, waxaana goobtii yimi dad laba laab uga badan dadkii hore.

Xabaddaa bilaabmatay kow iyo tobankii subaxnimo waxay caadi isku taagtay lixdii galabnimo markaasi oo khasaaraha loo gaystay dawladdii faqashtu uu aad u badnaa. Waxaa la jajabiyey dhamaan xafiisyadii iyo gaadiidkii dowlada, ha u sii darnaato xafiiska dawladda hoose ee Hargaysiye.

Alle ha u naxariistee Barre Xaaji Cilmi ayay xabadii ugu horeysay ee wax dishaa sababtay dhimashadiisii oo ku naf baxay intii cisbitaalka Hargaysa lagu sii waday.

Seddexdii ayaamood ee xigayna, waxay dhagaxa iyo xabaddu wada bilaabmayeen lixda subaxnimo ilaa iyo inta laga gaadhayo fiidkiina wey is dhinac socdeen.

Maalin labaadna waxay xabad kale dishay Alle ha u naxariistee Xuseen Cabaase (Qowdhan) oo markaa ahaa macalin shaqo qaran ah. Caasha Sheekh bay iyana ilaahay ha u naxariistee galaafatay xabadii oo ka mid ahayd hablihii ku shahiiday maalintaa.

Ilyaas Casayr Faarax isna maalintaasay ku dhacday xabad faal gurey ah oo lafaha gacanta bidix burburisay, ilaa maantana dhaawicii gaadhay uu u xanuusanayo, Alle ha caafiyee.

Guud ahaana se inta la hubo  43 qof oo iskugu jiray arday, hooyooyin iyo dad shicib ahaa ayaa ku shahiiday ayaamihii uu socday dhagaxtuurku. Boqolaal kalana way ku dhaawacmeen.

Ayaamihii xigay oo dhan may jirin iskuulo la tagay, mana ay jirin wax meherado ah oo la furay, waxaanu Gaani maalintii hore isku dayey inuu rabshadaha joojiyo isagoo soo diray waalidiintii inamada xidh-xidhnaa soona siiyey baabuuro uu microphone-no dusha kaga soo xidhay, kuwaasi oo uu ku yidhi u sheega ardayda inaan inamadii soo daynaayo haddii ay dhagaxa joojiyeen, nasiib wanaagse iyaga iyo baabuurtoodiiba waxaa lagu daray kuwii la jajabinaayey.

Anigana waxay koofiyadii casdii maalintii seddexaad, goor duhurkii ah iga qabateen Jaamac Baytari hortiisa anigoo ku socda Yusuf Cadare Cilmi(AHUN) iyo Kamaal Cabdillahi Xuseen oo aanu saaxiibo ahayn, la iina taxaabay xeradii milatariga ee Gol Waraabe, aniga iyo boqolaal dhalinyaro ah oo kale.

Halgankii dhagaxtuurka ee maalintaa bilaabmay, waxa uu isa soo taraba waxuu sababay in Bishii june ee 1984 xabsiga loo taxaabo arday aad u tiro badnayd oo laga soo ururiyay dhamaan goboladii dalka, ha u badnaadaan caasimada hargiesa ee, bilo ka bacdina waxa lagala hadhay 19 arday iyo macalin Banfas oo 3dii october ay maxkamaddii badbaadadu ku xukuntay dil toogasho ah, xabsi daayin iyo xadhig dheerba. Kuwaas oo kala ahaa:

Toddoba arday oo dil toogasho ah lagu xukumay, kalana ahaa:

  1. Cabdirisaaq Ibraahim Kooshin Alfo
  2. Yusuf Maxamed Ciise (Yuunyo)
  3. Cabdiraxiim Maxamed Baaruud (Bidhiidh) (AHUN)
  4. Cabdi Ismaaciil Muxumed.
  5. Axmed Sheekh Ibraahim Sheekh Cumar (Kanadi)
  6. Sheekh Maxamed Baashe Sheekh Cismaan Cali
  7. Cabdi Dhamac Caabi (AHUN)

Sideed arday oo xabsi daayin lagu xukumay, kalana ahaa:

  1. Fu’aad Cismaan Muxumed (Shibin)
  2. Maxamuud Aw Cabdi Muxumed (Faraska Cad)
  3. Saleeban Ismaaciil Xuseen (Cirro-weyne) (AHUN)
  4. Ismaaciil Muxumed Jaamac (Daldal)
  5. Muxumed Ismaaciil Cumar (Haabiil)
  6. Axmed Maxamed Aw Cali (Bakey)
  7. Xasan Maxamed Aw Cali (Dubbe)
  8. Cali Cabdi Faarax (Cali Gaab)

Hal nin oo 15 sanno oo xadhig ah lagu xukumay, ahaana:

  1. Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) (Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo wuu geeriyooday.

Afar arday oo 3 sanno lagu xukumay kala ahaana:

1.Cabdirisaaq Axmed Cilmi

2.Cali Maxamuud Cismaan (Jiir)

3.Cali Yusuf Ducaale

4.Ismaaciil Cismaan Muxumed (Canbuul)

Gunaanad

Dhailnyarooy waxa muhiim ah in aad xustid oo xasuusatid dhalinyardii dhibta u soo martay xoriyadan iyo nimcadan maanta aad haystaan. Somaliland qiimo aad u badan bay inagu joogtaa, dhiig caruureed iyo dhuux geesiyaalba wey ku maqanyihiin. Maalintan 20ka febuari-na waxay ku astaysantahay xusida dhalinyaradaa caruurta ahayd ee dhagaxa kala hortagay nidaamkii xumaa ee Siyad Barre.

Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabshso caruurtii u dhimatay. Dhalinyarada maantana waxa la gudboon in ay ilaashadaan wadankooda taariikhdoodana bartaan, daryeelaana niman badan oo maanta ku xasuunsanaya dariiqyada Hargeisa oo dhalintii maalintaa ku dhaawacantay, maskaxiyan iyo jidh ahaanba ka mid ahaa. Waa geesiyaal qaran oo innaga muddan daryeel iyo wanaagba. Maanta cadaadis iyo cago juglayn ma jirto, shuruucda iyo qawaaniinta wadankuna fursad buu kuu siinayaa in aad ka qayb qaadatid oo dhisatid kobcinta horumarka iyo dhaqaalaha wadankaaga. Ha baxsan oo ha tahriibin ama Xamar ha ka dhex baroorane, dhiso wadankaaga oo qayb ka noqo. Walaal annagu xiligayagii salaad subax, mid maqrib iyo mid cishaa’i toona masaajid laguma tukan jirin oo afarta galabnimo ayaa bandoo ilaa 6 subaxnimo ah la nagu xarayn jiray. Waxaan ku soo gunaanadayaa tuduc ka mid ah maansadii Siciid Raan ee

Qaranimada Somaliland qooq kumaan helin.

Alaa mahadleh

Somaliland ha jirto oo ha joogto.

Qalinkii : Maxamed Yuusuf bidhiidh ( Badda).

Advertisement

Ku Xayeysiiso