Faataxada waxaa ku jirta, ducada ah “Ilaahow jidka toosan nagu hanuuni ٱهۡدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ”

Maxaa Faatixada loogu celcelinayaa rakcad kasta? Faataxada waxaa ku jirta, ducada ah “Ilaahow jidka toosan nagu hanuuni ٱهۡدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ”.  Waxaa akhriyaa 17 jeer ruux kasta oo Muslim ah maalin kasta 24 ka saacadood, meel kasta oo dunida guud keeda ahna, salaadda waxaa ku tukada in ka badan hal Billion oo Mulsim ah. Dhamaan waxey Ilaahey weydiistaan “Ilaahow waddada toosan nagu hanuuni” oo waddada khaldan inaan qaadno naga badbaadi.!!! Qiyaastii, waa 17 billion of jeer maalin kasta oo daqiiqad kasta la akhrinayo ducadaas!!. Haddii ducadaas quluubteena loo siidaayo, oo dariiqda, khaldan la iska ilaaliyo, ducadaasi maqbuula ayey noqenColaada iyo abaartu waa ciqaab ilaahay, Bal eega aayadda Qur’aanka oo sheegaysaa macnaha ah: “waxaan idinku imtixaameynaa CABSI IYO GAAJO… وَلَنَبْلُوَنَّكُم بِشَىْءٍ مِّنَ ٱلْخَوْفِ وَٱلْجُوعِ  Kitaabka Qur’aanka waxaa Ilaahey usoo dejiyay in aadamiga aan jidka noloshu ka khaldamin, wuxuuna na siinayaa tilmaamo iyo tusaalooyin lagu hago nolosha. Waxaa intaas la jira, wuxuu Ilaahey noo soo diray nabegeenii Muxammed [nnk] oo hadaladiisii, ficiladiisii leynooga dhigay tusaale aynu ku dayan karno raaceyno, oo ah sida jidka toosan loo qaadi lahaa.

Hadaba haddii aynu is weydiino,  maxaa Ilaahey naga rabaa? maxuu usoo diray rasuul? Muxuu usoo dijiyay Qur’anka? Jawaabtu waa sahlantahay oo “Waa inaan Noloshu naga khaldamin oo aan ku Noolaano sida Ilaahey raali ka yahay”. Hadaba, Ilaahey maxaa raali geliya?

 Waa su’aal weyn oo wax badan laga sheegi karo,  Waxaa Ilaahey raalli gelinayaa waa: Waa inaad raacdaa oo rumeysnaata rasuul keenii sabuunaa Muxammed [NNK], Waa inaad noqotaa qof runta sheega, oo aadan been sheegin! Waxaad shaqaysato oo xalaal ah,  oo aad noqotaa qof ka fog shegya xaaraanta,!,. Waa inaad baniaadamka aadan xaqiriin, xumeynin,! Waa inaad xaqqa u hiiliso, xumaantana ka fogaato! Waa inaad masaakiinta iyo kuwa saboolka ah wax tartaa! Waa inaad waalidkaa xurmayso! Waa inaad qaraabada xidhiidhiso! Waan inaad mar kasta caadil noqoto, hadalkaaga iyo ficilkaaga!. Waa inaad ka fogaato eexda iyo dulmi nooc kasta uu yahay!. Waa inaad ficilkaaga iyo hadalkaaga ka ilaaliso wixii Ilaahey iyo nebigeenii Muxammad [NNK] diiday.  Waa inaad noqotaa “bani-aadam” akhlaaq leh oo xumaanta iyo fiicnaatu u kala soocantahay, Wanaagana horseeda!!!

 

QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH (JAAFAA)

Advertisement

Ku Xayeysiiso