MASHRUUCA BIYO BALAADHINTA EE XUNBA WAYNE HALOO SAARO GUDDI HEER QARAN AH OO SOO BAADHA FASHILKA MASHRUUCAN IYO WAXA SABABAY

Qarankan jamhuuriyada s/land waxa isugu biiray xaalado badan oo ay kamid yihiin maamul,xumo,(mismanagement)musuqmaasuq(corruption)iyo isla xisaabtan la,aan (lack of accountability) taas waxay keentay in mashkiladihii hore sii jiray inay sii kordhiso noloshii shacabkuna ay meel adag istaagto,waxa manta shacabku la,ildaranyahay cunadii,sixirbararkii,waxa u raacday biyo la,aan caasimadii kataagan ,nolosha kobaad ee bani,aadamku waa biyo hadii qarankan 27 sanno shacabkiisu ay ka,layihiin biyo nadiif ah oo kufilan oo ay si siman u cabaan mashruuc kasta oo caalamku lacag ku bixiyana la,waayayo maxaa khaldan? Waxaynu ognahay in la,maalgeliyey mashaariic badan oo biyo soo saar waxa ugu danbeeyey mashruucii xunba wayne ee ay maal gelisay heyada horumarinta u qaabilsan emaradka carabta(khaliifa foundation) waxa kaloo jirta lacago ay bixiyeen midowga yurub iyo baanka horumarinta u qaabilsan jermalka oo bixiyey 23500,000 dollar waxa jirta shirkada coca cola lacag 5000,000 dolar ay bixisay waxa kale oo jira lacago badan oo deeqa ah oo mashariicda biyaha lagu bixiyey deeqahaas oo dhan manta waa hal bacaad lagu lisay waanay fashilmeen mashaariicdaasi sida wasaarada biyaha wasiirkeedu sheegay salebana cali koore
Hadaba waxa loo baahanyahay in lacadeeyo lacagahaasi halka ay galeen iyo waxa lagu qabtay waana in guddi madax banana oo khubaro ah loo saaro audit lageliyo lana sababeeyo waxa fashilka keenay iyo xisaab walba halkii ay martay hadaan taas lasamyna caalamku inama aamini doono umada s/landna dawladeeda ma,aamini doonto,waana in madaxweynuhu guddidaas diyaariyo si sumcadiisu u badbaado qarankuna ugu kalsoonaado caalamkuna u qiimeeyo,waxa aad u qaali ah hufnaanta maaliyadeed ee wadanku inay muuqato,si caalamku inoo aamino waxna inoogu qabto waana in lacadeeyaa cida mashruucaa fashilkeeda lahayd.
Wabillaahi Tawfiiq
Abdulkadir Farlow Xaashi
Title: Falanqeeye arimaha siyaasada.
E-mail. Xaashi74@gmail.com
.

Advertisement

Ku Xayeysiiso