Muhaajiriin Eritrea iyo Somali ah oo Ku Dhintay Gaadhi Siday oo ku dhacay Koonfurta Tripoli

Tirada dhimashada shil gaadhi oo ka dhacay magaalada Ben Waleed, koonfurta Tripoli ayaa kor ugu kacday ilaa 30 ruux oo ay ku jiraan haween iyo caruur, ka dib markii gaadhi xamuul ah lagu soo buuxiyay tiro badan oo muhaajiriin ahi uu dhacay.

Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in tirada guud ee dhaawacu ay gaadhayso 126 xaaladood, oo 35 xaaladood loo baahan yahay in lagu wareejiyo goobaha caafimaadka ee Tripoli, halka 7 ka mid ah ay u baahan yihiin daryeel culus oo ah dhaawacyo halis ah, halka inta kale ee dhaawacyada ay ahaayeen kuwo fudud oo kala duwana u dhexeeisbuurasho iyo nabarro, sidaana waxa sheegay Libyan Observatory.

Ilaha nabadgelyada ee magaalada Bani Walid ayaa sheegay in dhacdadani ay sababtay “baabuur dhacay sidayna in ka badan 150 muhaajiriin sharci darro ah oo ka yimid wadamo kala duwan oo Afrikaan ah, oo ay ku jiraan Eritrea iyo Soomaali.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso