Warqad xidhan oo ku socota Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland

WARQAD XIDHAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Mudane. Madaxweyne anigoo og magaca, milgaha iyo maamuuska aad huwan tahay, anigoo og illaalinta, dhowrida, faafinta sirta xukuumada iyo nidaamka dowladnimo, anigoo og illaalinta dhaqanka, magaca iyo sharafka aadamaha, haddana, marka aad aragto wax kaa hor-imanaya oo dhaawacaya magaca qiimaha dastuurka qaranka, magaca aad huwan tahay iyo magaca qarananimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana, aad aragto albaabkii aad u mari lahayd oo xidhan, sow markaas khasab kuguma aha inaad fariin u mariso baraha mareegaha wararka Madaxweynaha, maadaama ay waajib ku tahay qof kasta oo muwaadin ahiba in uu illaaliyo dhowrsanaanta dastuurka qarankiisa, dalkiisa, dadkiisa iyo magaca qaranimadda Jamhuuriyada Somaliland.
Mudane, Madaxweyne, waa markii labaad ee la jabiyo qodob ka mid ah qodobada ugu khatarta badan dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan, Qeybta koowaad, xubintiisa koowaad, Tilmaanta iyo Mabaadiida Guud, Qodabka 8-aad, Astaanta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhigayaa, Astaanka qaranku waa galeydh buniya oo ay laabta kaga qoran tahay “ ALLAAHU AKBAR” oo far carabiya ah, kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sareeyo ay labadaiisa kafadood hareeraha galeydhka ka laalaadaan, laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan galeydhka, laba caleemood baarkooda inta u dhaxeysa waxa ku qoran “Bisinka” oo far carabiya.
Haddaba, marka aad eegto duunka dalkastaaba waxa uu leeyahay Astaan u gaar ah oo ku xusan dastuurka qaranka dal kastaaba uu leeyahay, isla markaana aan badali karin, wax lagu kordhin karin, waxna laga saari karin illaa iyo la qaado cod Afti dadweyne oo lagu badalayo ama wax lagu kordhinayo, ama lagaga saarayo hab qoraaleedka iyo muuqaalka ku muujisan Astaanta qarannimo.
Mudane, Madaxweyne, wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka wuxuu ku daray laanqeyr cas astaantii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaagoo ka saaray labadii caleemood ee hareeraha kaga xardhanaa, halka, maantana wasiirkan aad hadda u soo magacowday wasaaradda horumarinta caafimaadkuna uu ka saaray bisinkii ku xardhanaa dusha sare astaanta qaranka, kuna kordhiyey halaq laba carab leh oo ku maran shay dhumuc yar oo eegaaya Astaantii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Gabagabadii, madaxweyne marka ay ku soo gaadho warqadaydan xidhan waxan kaa rajeynayaa inaad sixi doonto haddii Alle yidhaa.

Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso