Mashruucii Xumbo weyne maafishkaba keen

Mashruucii Xumbo weyne maafishkaba keen

Tan iyo markii mashruuca biyo ballaadhinta Xumbo weyne loo dhaqaaqey, waxa jirey kolba heer iyo hadal meesha marayey, marnaba lama odhan biyo ma jiraan.

12 Xubnood oo heer wasiir, ku xigeen, xildhibaano, cuqaal iyo hantiilayaasha Hargeysa intuba ku jiraan ayaa Guddi loogu xil saarey.

War bixintii W. Cusuke 13.07.2014, war-bixintii Wasiirka biyaha Xuseen Axmed Cadulle 12.09.2014, iyo xaqiijintiisii 16.02.2015, Hay’adda Khalifa oo sheegtey 25.02.2015 in 250kun oo qof Biyaha loogu talo galey, sidoo kale Kormeerkii Madax. Siiraanyo ee dhaamka; intuba waxay sheegeen in Biyaha Hargeysa la soo gaadhsiin doono.

Mar aan socdaal ku tagey Ceelasha Xumbo weyne 13.06.2017, kadibna booqasho ugu tagey Khaliifa Fondation ee Abu Dhebai waxay ii sheegeen in ay ayagu qaybtoodii dhammeeyeen, waxa hadhsani ay tahay qaybtii Xukuumada Soomaaliland ee soo jiidista biyaha.

Yaa BEEN sheegaya, ma kuwii hore! Mise kuwa danbe?

Guddidii Biyaha ee Hargeysa meteleysey meedey iyo Enjineeradii 8 qodob isku raacey? mise maqaar saar ayey ahaayeen dhammaantood?

Haddeerna maafishkaba keena!!. bal biyo shiinaha iyo Baraagahan nalaga dul dhisey yeysan maafish noqon!!.

Sheekh Falaax Al-axbaabi iyo Rag kale oo aan ogahay yaa u sheega warka wasiirka iyo warbixinta oo buuxda!!

Muwaadin Biyo doon ah

Saad Ina Kaarshe cadde

Advertisement

Ku Xayeysiiso