Kulankayagii Maanta Aniga & Gudomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda.

 

Waxaan Maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay gudomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda. Mudane Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle.

 

Jawigii qaabilaadiisa:

Jawigii uu igu qaabiley wuxuu ahaa mid aad & aad u qiimo badan, waanan uga mahad celinayaa.

 

Shakhsiyadiisa qof ahaaneed:

Hadaan wax yar is dul taago shakhsiyadiisa & dareen celintaydii, wuxuu ahaa:

  1. Very smart

  2. Bashaash

  3. Wax dhagaysanaya

  4. Sheeko ka gur leh

  5. Dedaal badani ka muuqdo

  6. Una diyaarsan inuu wax badan saxo oo waliba

  7. Qaadanaya wixii talo & toosin-ba ah ee loo soo jeediyo.

 

Ujeedadii la kulankaygii:

Ula jeedka la kulankaygu wuxuu daarnaa:

  • Xog wareysi

  • Talo soo jeedin &

  • Xal u helidda mashaakilaad culayskooda leh kuwaas oo yaala haayadaha dawliga ah una baahan sixid & sidoo haayada shaqaalaha & qarankuba uga yeelan lahaayeen qorshe siyaasadeed.

 

Maalin dhaweyd oo aan tagay xarunta haayadda shaqaalaha dawladda ayaa waxaan wax ka qorey qaabka shaqo ee ay halkaa ka wadaan hawl-wadeenada haayadda shaqaalaha ee ku saabsanayd tirinta shaqaalaha dawladda. Sababta ugu dhalisay-na waxay ahayd waxyaalo aan u arkayay inaanay ahayn munaasib, isla markaana ay baal marsantahay waa sidaan u arkayee qorshihii madaxweynuhu soo jeediyay. Waxaana ka mid ahaa:

  1. Warqad cadayna ka soo qaado jaamacadii amase dugsigii ku siiyay shahaadada oo ay ku soo cadeynayaan inay iyagu bixiyeen shahaadadan oo ay toodii tahay

  2. Shahaadada aad sidataa waa foojari &

  3. Candadool dhanka shaqaalaha ah.

 

Hadaba garnaqsi dheer & hogo tusaaleyn ka dib: laba wuu igaga gar helay gudomiyuhu. Kuwaas oo ahaa qorista qoraalka & dhaliishii aan huwiyay hawl-wadeenada haayadda shaqaalaha. Iyadoo dawgu ahaa inaan isaga u gudbiyo wixii aan dhaliil u arko, talo & toosin-ba ka hor intaanan media-yaha ku baahin. Maadaama aan ahay shaqaale dawladeed isna uu yahay gudomiyahaygii, waanan qaatay. Halka uu midna ka garaabay.

 

Runtii haayadaha dawliga ah waxa ka dhex jira mashaqo aan beryahaa dhamaanayn, mashaqooyinkaas waxa ka mid ah:

Qof dhintay oo mushaharkiisii socdo isla markaana uu banaanyahay booskii shaqo ee uu qaranka u hayay. Tusaale ahaan waxa dhintay nin dhakhtar u ahaa deegaan dhan intee qof ayuu waxyeeleeyay booskaa banaani ee dhakhtarku ka baxay. Iyadoo intii la dhawrayay aqoon heblaayo kumanaal kale ku sii aqoomoobeen.

Waxa kale oo ka mid ah boos shaqo oo ay ku wada lacag qaataan sodon qof shaqaale ka badan. Iyadoo aan laga faa’iideysanayn xooga shaqaalaha oo shaqaale tiro badani iska dhex tubanyihiin xarumaha dawladda sida wasaaradaha & haayadaha madaxa banaan. Walaw ay hadda waddo haayadda shaqaaluhu xal u helidda arinkaa.

 

Markaad qiimeyso siyaasadda xukuumadeena ee ku wajahan shaqaalaha waxa ka dhex jirta qabyo badan oo ay kalifayaan duruufaha inagu gadaamani. Tusaale ahaan haayadeena shaqaaluhu waxay maamushaa shaqaalaha inta nool.

  1. Employment benifet. Taas oo noqonaysa

Mushaharka shaqaalaha

Fasax-yada (iyada oo ay maqanyihiin xuquuq shaqaale Oo badan). Iyadoo imika uun ay haayadda shaqaaluhu waddo xalinteedii.

Isla markaana haayadda shaqaaluhu ay warsanayso shaqaalaha iyagoo waydiinaya su’aalo ay ka midyihiin:

Habeen dhaxyo ma heshaan oo ma la idin siiyaa markaad gobolada u baxdaan.

Ma heshaa fasaxyada shaqaalaha loo qoondeeyay

Ma qaadataa guno xileed &

Qaar kaloo badan.

Waa maxay qorshaha haayadda shaqaalaha tirinta shaqaalaha dawliga ah dabadeed.

Haayadda shaqaaluhu markay ogaato:

Intee shaqaale dhimatay

Intee caagle ku jirta shaqaalaha dawladda

Intee shaqaale mushahar qaadata balse aan shaqo u qaban qaranka.

Markay intaa ogaato haayadda shaqaaluhu waxay gudo galaysaa in:

Qof waliba qabto booska uu aqoonteeda leeyahay

Qof waliba qaato mushahar u dhigma shaqada uu qaranaka u qabanayo

Qofkii dhintay maxaa qorshe inooga yaala. Masalan ma waxaynu siinaa qofkii dhintaba wixii uu xuquuq qaranka ku yeesho mise mushaharkii uu qaadan jirey ayaynu siinaa 30%. Arimahaas & qaar kaleba waxay haayadda shaqaaluhu ku mashquulsantahay xalinteeda & siyaasadii lagu maareyn lahaa.

 

Sidaa darted sida adduun weynahaba ka jirta  waxaan soo jeedin lahaa in la sameeyo departments ka mida haayada shaqaalaha oo qaabilsan:

1.Mag-dhaw shaqaale. (Work compensation)

Tusaale ahaan:

Qof bay gacani go’aday isagoo shaqo ku jira  
Qof baa waashay isagoo shaqaynaya).

2. Hawl-gab (Retirement) (qofkaasi naafo maaha, shaqaale maaha isla markaana booskiisii shaqo maaha mid buuxinaya).
3. Gunada shaqo la’aanta. (Un employments allows). Oo ay shardi u tahay inuu yahay:
♡. Qof caafimaad qaba,

♡. Laxaadkiisuna dhanyahay Oo wax qaban kara,

♡. Diyaarna u ah markastoo loo baahdo.

Iyadoo la siinayo quutal daruuri uu ku noolaado).

Muwaadinkaa la siinayo quutal daruuriga si aanu u dhiman waxa loo raadinayaa:

Shaqo
Isaguna Wuu raadsanayaa, isagoo soo qoraya meelaha uu shaqo raadin u tagay.

Waxaana laysugu dayayaa in xirfad loo sameeyo mar, laba & saddex-ba.

Ugu denbeyn: koox ka mida dadkaas-ba waxa masuul ka noqonaya sarkaal ka tirsan Haadda shaqaalaha.
Tusaale ahaan waxa Laga soo helay huteelka star shaqo ah waiter. Sarkaalkii u qaabilsanaa haadda shaqaalaha ayaa kooxdiisii ku noqonaya waxaanu eegayaa qofka ugu haboon. Waxa dhici karta in qofkan loo soo helay shaqada waiter-nimada ahi uu sito shahaado jaamacadeed balse aan la haynin shaqo aan taa ahayn. Daruurigu wuxuu noqonayaa inuu shaqeeyo.
4. Daryeelka aqoomaha. Waa in qoyskii uu ka baxay marxuumku lagu wareejiyaa Haayadaha aqoomaha (haayadaha jaaratiga ah). Dawladuna la timaadaa siyaasadeedii. Si uu meesha uga baxo qofkan dhintay ee hadana uu socdo mushaharkiisii.

 

Allaa Mahad Leh. 

Qalinkii : Gar. Keyse Koosaar Cilmi. 

Advertisement

Ku Xayeysiiso