Hargeysa Oo Lagu Soo Bandhigay Maalgalin Aan Amaah Lahayn

“Waa fursad ay ka faa’iidaysan karaan dadka xooluhu ka baxeen oo ay ku noqon karaan ganac 
sato” Guddoomiye ku xigeenka hay’adda NERAD

Hargeysa, (ToggaHerer) – Kulan lagu daah-furayay fursaddo maalineed oo loogu tala-galay in lagu taageero   ganacsatadda bilowga ah iyo dadka hal-abuurka leh ee haya figraddo shaqaynaya oo gacansi ayaa maanta lagu qabtay Hargeysa.

Maasibaddan oo lagu qabtay Ambassador Hotel waxaa qaban-qaabisay Shirkadda Guul Group oo ka Wakiil ah Maalqabeen reer Nayjeeriya ah oo lagu magacaabo Tony Elumelu oo bilaabay inuu Boqol Milyan oo Doollar kor ugu soo qaado dadka u baahan taageeradda ee Afrika. Waxaana ka qayb-galay masuuliyiin ka kala socotay Inta badan laamaha dawladda Somaliland iyo Gacansatadda taageerrta maalgalinta iyo dadweyne danaynayay fursaddan.

Guddoomiyaha Shirkadda Guul Gourp Guuleed Haaruun Ibraahim oo sharaxaad ka bixiyay ujeedada munaasibadan ayaa tilmaamay in ay doonayaan inay ummaddoodda ka qayb-geliyaan maalgalintan oo wax-tar u leh dhaqaalaha waddanka iyo shaqo abuurkaba. “Waxaanu ugu baaqaynaa qof kasta oo haya figrad ganacsi oo cusub oo u doonaya maalgelin ama gacasi kooban haysta inuu ka faa’iidaysto oo uu toos ulla xidhiidho Tony Elumelu Foundation oo doonaya in dadka Afrikaanka ahi cagahooda isku taagan. qofkii u baahda in aanu xidhiidka ka caawinnana xarunta Shirkadda Guul Group ha noogu yimaado.” Ayuu yidhi. Waxaana uu intaas ku daray in ugu yaraan loo baahan yahay 1000 ruux oo keena figraddo wanaagsan oo lagu siiyo maal-gelin iyo tababaro wixii ka dhiman, si taasi u suurta-gashana qof walba laga rabbo inuu u dirto shirkaddan hindisihiisa si loo taageero.

Waxaana agaasimihu mahadnaq u jeediyay, masuuliyiinta ka qaybgashay iyo shirkaddaha taageeray kulankan oo ay ugu horeeyaan shirkadda Telesom, Premier Bank, KMC iyo Buubaal Business Center.

Jamaal Caydiid Ibraahim gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Somaliland iyo Maxamed Saleebaan oo ah agaasimaha waaxda maalgashiga ee Wasaaradda Maalgashiga Somaliland ayaa iska daba maray oo soo dhaweeyay hawshan, waxaanay ugu baaqeen bulshadda In si weyn looga faa’iidaysto.

 Axmed Muxumed Geelle oo isna ku xigeen ka ah Hay’adda ka hortagista aafooyinka dabiiciga ah iyo Kaydka Qaranka ayaa tilmaamay in fursadani faa’iido u tahay dadka abaaraha saddex jirka ahi hayaan. “Waa fursad ay ka faa’iidaysan karaan dadka xooluhu ka baxeen oo ay ku noqon karaan ganacsato” Ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka hay’adda NERAD

Agaasimaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshadda Marwo Sahra Maxmed Xuseen,  Madaxa horumarinta arrimaha bulshadda shirkadda Telesom Maxamed Cabdi  iyo masuul kale oo kala duwan ayaa dhamaantood sharaxay faa’iidada bulshadda iyo dalkaba ugu jirta maal-gelintan waxaana ay soo jeediyeen in laga faa’iidaysto.

Waxaase xiiso gaar ah lahaa oo madashaas ku soo bandhigay horumarka ay ka gaadheen maal-gelintan laba dhallinyaro ah. “Anigu waxaan ka qayb galay 2016 oo aniga iyo nin kale aan Somaliland ka hellay. Waxaana la ii maal-geliyay Shirkad beeraha ah oo aan u bixiyay Haaddi. Lacagta waxaa dheeraa tababaradda la’I siiyay oo Ilaa hadda ii socda.” Sidaas waxaa yidhi Jaamac Ibraahim Yaasiin oo halkaas ka hadlay. Waxaana uu u soo jeediyay dadku inay codsiyadda dirsadaan oo ay hindisayaashoodda ka faa’iideeyaan.

Sidoo kale Cabdirisaaq Axmed oo isna fursaddan ka faa’iidaystay ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa. “Waxaa igu jirtay muddo figrad. Dadkeenuna qofka dhallinyaradda ah lacag la iskagama dhiibayo. Waxaanan arkay Fursaddan waxaanu u gudbinay figraddii. Waxaanan sameeyay shirkad-yar oo Saabuunta dabiiciga ah ee Jidhka soo saarta (Nadiifo)”

Cabdirisaaq oo dadkii ka qayb-galay  u qaybiyay Saabuunta uu soo saaro, oo isugu jirta mid ka sameysan Qasil, Mid huruud ah iyo mid kale oo Xabaasuud ayaa tilmaamay in weli ay kobcayaan ilaa sided ruuxna ay kaga shaqeeyaan shirkaddiisa yar oo Hargeysa ka hawl-gasha.

Fursadahan waxaa loogu tala-galay in looga faa’iideeyo oo la maalgeliyo 10,000 oo ganacsadde oo Afrikaan ah. Waxaa ku baxaya 100 Milyan oo Doollar. Muddo toban sanno ah ayayna soconaysaa, sanad kastana Kun ruux ayaa la maal-gelinayaa waxaana la doonayaa inaynu Kunkaas ruux aynu ka mid noqono.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso