Laba askari oo booliis ah oo lagu dilay toogasho ka dhacday Ohio

Laba askari oo Mareykan ah ayaa lagu toogtay magaalada Ohio ka dib markii loo direy xaalad deg deg ah magaalada Westville goor dambe oo Sabtidii ah.

Afhayeen u hadlay magaalada ayaa sheegay in la tuhunsan yahay in la laayay ka hor inta aan la dhaawicin eedeysanaha lana qaban, labada askari ayaa la toogtay markii ay u yimaadeen gargaar.

“Tuhmanaha waa la dhaawacay waxaana loo qaaday isbitaal.” lama Aqoonsan wali dhaawaciisuna inta uu gaadhsiisan yahay lama oga sido kale wali lama ogaan waxa ku kalifay dilka askarta iyo ujeedadiisa toona.

Dhiniciisa, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay shilka, wuxuuna Twitter-kiisa ku qoray isaga oo tacsina u diray qoysaskooda iyo booliska-ba.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso