AMBADKII QORAAGII IYO AQOON-YAHANKII UMMADDA(Ibraahim Hawd)

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham

Caweysin wanaagsan idil ahaantiin ba, bariido aan xeebta Djibouti idiin ka soo diray markaad iga guddoontaan, kaddib ayaan jeclaan lahaa in aan qoraal aad u kooban bartan idin kula wadaago, sidii caadada ahayd.

Waxa aan qoraalkan qoray xilli ay aad iigu adag tahay in aan kala garto aqoon-yahanka iyo jaahilka, goor aqoon-yahanku sida wax-ma-garatada u fikirayo, ammin aqoon-yahanku hormuudka xumaha yahay. Waa saban aqoon-yahanku is-la’ yahay oo nolosha aanu kaalin wanaagsan ku lahayn, isla markaa aanu Ka xishoon in uu afka qabiilka ku hadlo, in uu fitmo-wade dagaal ooga noqdaa ay tahay wax iska caadi ah.

isku dirka beelaha nabadda ku wada yaal waa shaqooyinka ugu waaweyn ee uu maanta aqoon-yahanku qabto, wakhtigiisa ugu badan hadda wuxuu galiyaa baraha qabiilku ku xashaashaqaan isaga oo qori dable la dhex meera bahda iyo tolka.

Aqoon-yahanku waxa ay noqdeen kuwo xumaha aanay shan kabo la’I ka soo gaadhin oo fitnada hurudda kiciya, dabkii hurana gaas ku dara si ummaddu halkaa ugu shuf beesho. Garan mayno dheefta ka soo gaadha dhiigga dadkooda. Waxa ay noqdeen kuwo fool-xumada dalalkooda ku indho-qabowsada. Soomaalidu Shalmadi koore raacday ayay ku maahmaahdaaye saban xumaadka ayay raaceen aqoon-yahanku.

Qoraalkan oo abbaartiisu tahay suluug aan saluugay aqoon-yahan iyo qoraa ummaddu lahayd oo xaggii ummadda uu ka xigay ay dabayl-qaboobi uga soo galayso oo xilkii aqoon-yahannimo ee saarnaa la ambaday.

ARAGTIDAYDA IBRAAHIM HAWD
Aragtiinkayga Ibraahim Yuusuf Axmed (Hawd) waa qoraa sheeko-xariir ah oo Rabbi hibo u siiyay habka qalinka loogu xardho hummaag maskaxeedka. Waa shakhsiyad xeel-dheeraanta farshaxannimadiisa badi ay ka marag-kaceen ciddii in uun isha saartay qormo qoraal ah oo uu leeyahay. Hodantoonyo afeed oo baaluqnimo badan ka muuqato ayuu aalaa ba ku iidaamaa qoraalladiisa. Waa nin awood u leh in uu xaashiyaha cadcad ee buugga kaa dhex daawadsiiyo dhacdo uu u raseeyay hab hagaagsan. Maadaama Ibraahim Hawd ninka sifooyinkaa wanaagsan leh uu yahay ma jecli in uu saaxadda qoraalka ka baxo. Sidaa awgeed, ayaan qoraalkan uga dhigayaa jeedal yar oo aan ku baraarujiyo.

Runtii mar dhexdaa ahayd oo uu Ibraahim Hawd diiradda saaray arrimo diinta Islaamka ku saabsan oo aniga oo aan diinta aqoon wanaagsan u lahayn iila muuqday in uu mad-madow gelinayo arrimo xagga caqiidada khuseeya, maan jeclaysan waxa aanay arrintaasi keentay kala durug fikir oo aniga iyo Ibraahim Hawd na dhex maray oo xaggayga ku koobnaa. Goortii ololaha wuxu muujiyay taageero xisbinimo, anigu se in aqoon-yahanka Ibraahim Hawd ka mid yahay ay siyaasadda ku soo dhowaadaan waan jeclaa, waanan filayay in ay wax wanaagsan ka beddeli karaan.

Tan iyo markii natiijadii doorashada lagu dhawaaqay Ibraahim Hawd wuxuu iskugu luga du’day xumaan sooc ah, inta badan afka qabiilkiisa isagoo ku hadlaya ayuu warbaahinta qoraallo xidhiidh ah ku baahiyaa. Farriimaha qoraalladiisu xambaarsan yihiinna haddii aan soo koobno waa; TOLLAAYEEY! Waxa aan aad iyo aad uga murugooday hooseynta meesha uu is dhigay Ibraahim Hawd oo ah in uu af qabiil ku hadlo, isaga oo taagnaa meel aad u sarreysa oo ah in uu ahaa nin ummadda afka Soomaaliga ku hadasha afkeeda ku hadla wax na ku qora, loo na aqoon san yahay qoraa ummaddeed.

Waxa aan ka galiilyoonayaa in aqoontii diiniga ahayd iyo tii maaddiga ahayd midna aanay waxba kaga duulin oo aanay wax ka beddelin garashada Ibraahim Hawd. Qofkii u baahan in uu arko caadifadda qabiilka iyo aqoontu marka ay isla fal-galaan waxa ay iska dhalaan hogo-tusaale waxa ugu filan dhaqanka maanta ee Ibraahim Hawd.

Sidoo kale Ibraahim Hawd in uu sida MUDUNTUULKA u ekaado waan ka xumahay. Afka beeraleyda ereyga Muduntuul; waxa loo adeegsadaa muuqaal Aadame-u-eke ah oo ka samaysan qoryo iyo maryo kaas oo beerta dhexdeeda laga qotomiyo. Shaqadiisuna waa in bahalaha iyo baallaleyda lagaga celiyo beerta, waxa aanay moodaan qof nool oo beerta dhex taagan. Waxa aan idinka raali-gelinayaa in aanan ereygaa xaqii sharraxiisa siin sababtuna waa aniga oo afka beerta caydh ka ah.

Sida Muduntuulka ama Waraabe-u-taagga bahalaha iyo baallaleydu ay qofka u moodaan hasa yeeshee aanu u ahayn ee ay kala jaadka u yihiin, waxa ay moodayaan iyo waxa uu yahay oo kale ayuu noqday sawirka saxda ah ee Ibraahim Hawd iyo waxa ummaddu moodaysaa. Halkaana qoraaga waxa aan ugu soo hal qabsanayaa sheeko Soomaalidii Cigaal Shidaal iyo Kurtinka ee farriinteeduna ahayd; Kurtin yahow ma waxa aan ku mooday. Ma waxa aad noqotay. Mise waxa aan loo noqon doonin. Ibraahinow waxa aan ku mooday aqoon-yahan, waxa aad noqotay af-hayeen reer xumo-talis ah. Waxa aan se loo noqon doonin in aan mar dambe midho daray ah duuduub ku liqo.

ARAGTIDAYDA SIYAASIGA AH
Si dadka aan hore aragtiyahayga siyaasiga ah qoraalladii aan ka sameeyay ula socon aanay iigu arkin nin isaga laftiisu Ibraahim Hawd ka difaacaya reerkooda sidii aan hore ba ugu caddeeyay aan haatanna caddeeyo in aanan aragtida siyaasiga ah ee xisbiga Kulmiye la dhacsanayn. Waxa aanan ka mid ahaa, dadkii qoraallada ugu badan ee dhalliisha ah ka sameeyay xisbiga Kulmiye iyo hoggaankiisa Madaxweyne Biixi. Wakhtigan la joogo laftiisa siyaasadda dhaqan ee xukuumadda Kulmiye si qoto dheer ayaan u saluug sanahay. Markii Ibraahim Hawd inaadeerkii uu qoraallada dhaadheer ee ammaanta ah ka sameynayay anigu adeerkay Muuse Biixi Cabdi waan dhalliilayay. Maanta oo Ibraahim Hawd in uu waddanku dumo oo ammaanku khalkhalo ka talinayo haddii Waddani guul-darraystay anigu in samaha aan ka shaqeeyo oo dadka isku soo dhoweeyo ayaa iga li-laa-hi ah.

HALKII AAN KU WADAY…
Ibraahim (Hawd) iyo aqoon-yahanka Soomaaliyeed ba waxa aan filayay in ay wax u tareen duruustii dugsiga wakhtiga ay ka barteen. Waxa aan ku waday in ay ummadda u fikiraan oo dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale iyo kuwa siyaasad nololeed ee ummadda ku habsaday ay jiif iyo joog ba u diidi doonaan, isla markaa na baadi-goobka iyo xal u helista dhibaatooyinkaa tiro-beelka ah ay bartilmaameedsan doonaan. Waxa aan ku rajo-weynaa in ay samo-falka iyo wanaag farista ka shaqayn doonaan, sidaa na ku noqdaan hormuud ummaddu higsato oo samaha lagu majeerto. Geelleydu waxa ay ku maahmaahdaa GEEL DUQ BAA LOO TUMAA. Maahmaah kale oo Iyana isla geelleydu adeegsato ayaa tidhaa; GEELLA DUQIISU DURDURISO AARANKIISA MAXAAD U MALAYN. Ummadda aqoon–yahankeedu caynkan yahay wax-ma-garatadeedu sidee ayay noqon?

Sheeko Soomaali laga soo wariyay nin weyl uu raacayay ay dhowr goor xidh kayn jiq ah xagga shishe ka martay ayaa mar uu weyshiisa la hadlayay ku yidhi: Weyl yahay sibiq-dhaqaaqaaga saddex arrimood ayaa ka dhalanaya, oo kala ah;
1. In aniga la I qoro nin caajis ah ama wahsada oo ku si fiican kuu dhowri waayay.

2. In marka aad dhaqaaqdo ama durugto bahal ku cuno.

3. Iyo in marka bahal ku cuno sacii ku dhalay uu gudho oo halkaa lagu waayo caanihii reerka looga maali jiray.

Mar murtida sheekadaa ku jirtay la maanseeyay sidan bay u taal;
Weyl baa nin waa yidhi;
Adiguna waraabiye,
Ha is cunsiin weeraha,
Anna ruux wahsanayoo,
Orod waayay ha I badin,
Dhiin waal na yuu gudhin.
Aniga oo sheekadaa ka dibaaqaya ayaan saddex arrimood qoraaga iyo aqoon-yahanka Ibraahim Hawd aan jecelahay in aan hawada u mariyo. Aniga oo lexo jeclo badan ka qaba Ibraahim, dareensan in uu naga dhexeeyo xidhiidh wanaagsan oo bah wadaagnimo (Bahda Qalinleyda)

1. Ibraahinow qoraalladaada caadifadda qabiilku budh-dhigga u yihiin waxa ka dhalanaya in da’yartu qoraalka jecel ee aad hormuudka u tahay iyo kuwa xidhiidhka dhiig idinka dhexeeyaa ay xalaalaystaan oo wax saxan u arkaan in qabyaaladda la naaxnaaxiyo oo hibada qalin maalnimo luugu adeego qabyaaladda.

2. In dadkii qalinkaaga ku raaxaysan jiray ay xag-jirno kugu suntan, sidaa na aad ku weydo taageeradii akhristayaashaada, waxa aanay wax iska weydiinayaan intee in leeg ayaa lagu kalsoonaan karaa mawduuca aad baadho ee aad wax ka qorto.

3. Iyo in qoraalladaadu ay sababaan in la kala garan waayo farqiga u dhexeeya aqoon-yahanka iyo jaahilka.

Halkaa ayaan ku soo af-meerayaa qoraalkii aan ku tirtirsiyay Ibraahim Hawd.
Get organized with Yahoo Mail

Advertisement

Ku Xayeysiiso