Waxqabadka Xawliga ku Socda ee Mudada Kooban uu Hirgaliyay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi. Qaybta 1’AAD.

Waxqabadka Xawliga ku Socda ee Mudada Kooban uu Hirgaliyay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi. Qaybta 1’AAD.
W/Q. Mawliid Maxamed Siciid.
———————————————————————————————–
Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi Oo ah Masuul Dhalinyaro ah oo ku Sifoobay Daacadnimo, Aqoon, Karti, iyo Waaya- aragnimo, Oo Xilka Wasaarada Loo Magacaabay 14. Dec. 2017,
Ayaa Mudadii Koobnayd ee ku sinayd Labada Bilood ee uu Hayay Xilka Wasaarada Maaliyada ayaa ku Talaabsaday Waxqabad Muuqda oo Lataaban karo isla markaa wax ku ool ah oo Wasaarada Maaliyadana aan Hore uga jirin.
Halkan waxaan kusoo Qaadan doona Qodobo kamid ah Wax qabadka aadka ugu Muhiimka ah ee Wasaarada Horumarinta Maaliyada Qaranka Somaliland ee uu Mudadii koobnayd ee Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi loosoo Magacaabay Wasaradaasi Hirgaliyay.
Waxqabadka Muuqda ee uu Hirgaliyay Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi Mudadii yarayd ee uu Xilka Hayay Ayaan lasoo wada Koobi karayn oo aad u Badan Hase ahaatee si Guud Kooban waxaan isula eegi doonaa Baaxada Waxqabadkiisa iyo Xawliga uu ku Socdo oo ah Mid lagu Diirsaday isla markaana Farxad galiyay Guud ahaan Shacabka Somaliland.

1.Wasiirku waxaa uu ka Shaqaysiiyay Isla markaana Maskaxddooda Xoogooda iyo Aqoontooda uu Qaranka uga Faa’iideeyay Ardayda Reer Somaliland ee Dhanka wadamada jaareena ah wax kasoo bartay Sida Itoobiya kuwaasoo lagu Hubo Tayo Waxbarasho iyo karto.

2. Dhinaca Sharciga, Md Yuusuf Maxamed Cabdi Waxaa uu Dhisay isla markaana Sameeyay Xeerka lagu Maamuli lahaa Shaqaala iyo Hawl wadeenka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland, iyo Sidoo kale Xeerka Cashuuraha (Procurement act) iyo (Code of Conduct) Wasaarada Sidii Masuuliyada iyo Shaqada Qaranka loo hayaa ay noqon lahayd mid Cadaan ah iyadoo Qaybtaasi Sharciga Xoog loo dardar galiyay.
3. Waxaa la sameeyay Qorsheyaasha Waaxyaha iyo Qorshaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Maaliyada ee Sanad laha ah.
4. Waxaa kale oo la Sameeyya Units, ama Qaybo loogu Talagalay Dajinta Cashuuraha (Text Policy).
W/Q. Mawliid Maxamed Siciid.
Email: Mawliidmarshal@gmail.com Tell 063-4129951 Hargeysa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso