Shacabka Somaliland waxay madaxweyne MBA ka filanayeen isbedel siyaasadeed iyo mid maamul oo mug leh

(Political Reforms ) Waxaana laga filaayey dhisme dawladeed oo aan daboolneyn ee daahfuran taas oo ku saleysan cadaalad, wadatashi iyo wax-wadalahaansho.  

 Boowe ! Bal aynu hoonka ku shidno oo qodobayno siday  shacabka Somaliland u arkaan xukuumada kulmiye ee cusub.

 1- Waxaa xukuumada  cusub loo arkaa Dawlad laga dheehan karo shuraako qabiil oo dhinac ka raran taas oo aan  qancin aragtida guud ee mujtamaca  Somaliland maadaama golaha wasiirada ee la soo doortay aanay xasilineyn sawirka guud ee Somaliland ka muuqda waqtigan, si loo helo xal waara oo ku dhisan wadatashi,wadaag iyo wax wada lahaansho. waxaana ummaddu isku raacday in la soo dhisay gole  Wasiiro ah oo badhax-tir ah oo aan huwanayn kefadii miisaanka aheyd iyo midnimo qaran.

2- Waxaa golaha cusub ay ummaddu u aragtaa gole laga dheehan karo isxulafeysi kala fadilaaya beelaha Somaliland,waxaana loo qaadanayaa Abaal-Celin malaasan, maadaama aanay ka turjumeyn Saamiqeybsiga kuraasta sar-sare ee duxda iyo iidaanka lahaa oo iyagu dhinac uciiray taa soo aan golaha cusub  loo arkeyn gole miisaaman oo soo celinayaa yuhuuntii iyo wax wada lahaanshihii iyo wadaagii anfaca iyo awoodaha dawladnimo. Waana gole aanay ka muuqan suuradii iyo sifeyaashii lagu baadi goobi lahaa Somaliland loo siman yahay oo lawada leeyahay.

3- Waxaa la filaayey in la soo dhiso gole aqoon u leh mansabkooda, maamul wanaaga, macnaha qaranimo iyo milgaha dawladnimo, waxaa la filaayey gole shacabka u noqda, Dar, Yeel iyo Weel waraabiya ummadda baahan oo u sahan taga oo shacabka gunta ka tola oo tubta u saara tobiyaha toosan, lakiin wuxuu  golihii umuuqdaa gole aan laheyn curin  iyo hal abuur siyaasadeed, kaas oo aan la jaanqaadi karin waqtiga iyo waayaha Siyaasadeed ee maanta ku xeeran Somaliland iyo mandaqada.

4- Waxay mujtamacu u arkaan, Gole ka been sheegaya la dagaalanka maalurursiga iyo musuq maasuqa baahsan maadaama aanay soo celineyn hantidii guurtada iyo ma guurtada aheyd ee ummadda sifaha bilaa sharciga ah looga boobay, umana muuqato inay soo celin karaan  Kaabeyaashii dhaqaaalaha ee dadka gaarka ah sifaha gaarka ah loogu xidhay ee loogu naas nuujiyey si ay cashar ugu noqoto kuwa soo jiriqsanaaya ee qarka soo jafaaya.

5- Waa Gole aan keeni karin isbedel maamul iyo hab dhaqan dawladeed oo cusub oo cokan  oo taabo gala maadaama xubnaha golaha wasiirada cusubi ubadan yihiin dhalinyaro aan waayo aragnimo buuxda u laheyn odoroska, alooska iyo agaasinka maareynta iyo milgaha dawladnimo ( institutional memory ) kuwaas oo laysku raacay in aanay dhidibada u taagi karin nidaamka maamul wanaaga iyo daahfurnaanta qorsheyaasha hor yaala ee horumarinta iyo higsiga qaranka ee “Somaliland National development plan  NDP 2”

6- Golaha cusub  looma arko in ay soo celin karaan hufnaantii,dhaqankii dawladnimo, Cadaalad uqaybinta yuhuunta iyo midhihii dawaldnimo, mana mideyn karaan shacabka Somaliland oo kama dhigi karaaan ul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga sida mansabka, maganta moorada iyo muquunada. umana muuqdaan in ay noqdaan gole ah mideeyayaal, Jideeyayaal iyo Jiheeyayaal unki kara ama falkin kara  sifihii lagu baadi goobi lahaa Somaliland loo siman yahay oo lawada leeyahay.

7- Golaha Xukuumada ee cusubi ma aha gole shacabka ka masixi kara riiqdii iyo raadadkii foosha xumaa ee Xukuumadii Siilaanyo ku reebtay xusuustooda iyo quluubtooda . uma muuqdaan ku wii noqon lahaa  gole kor u soo qaadi kara sumcadii iyo magacsamaantii qaranimada iyo midnimada Somaliland. Loomana arko in  ay noqon doonaan gole daweyn kara  kala qaybsanaanta, kala qoqobkii  ay reebtay doorashadii madaxtooyada ee sidii aynu ogeyn dalka uga dhacday.

Guntii iyo-Gebogebadii: Hadii mabd’a la wada yeelan waayo oo wax la wadaagi waayo, waxaa iman doonta in wax la kala yeelan doono .Danta guud ee Somaliland  waxay ku jirtaa maanta  in xal la raadiyo oo dalka lagu soo dabaalo midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd. 

 “Anigu Daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa!!

 Alleh ayaa Mahad Leh,

Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)

Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,

Qalinkii :A/rahman fidhinle

Intensive ED BD BA

United Kingdom

London

Advertisement

Ku Xayeysiiso