Xukumo Gaadhaya 5 ilaa 14 sano oo xabsi ah oo lagu Xukumay Rag Taabacsan Daacish Wadanka Ruushka

Maxkamad milatariga Ruushka ee Waqooyiga Caucasus ayaa xukuntay 9 xubnood oo ka tirsan koox hubaysan oo ka hawlagalaayay Jamhuuriyadda Ruushka ee Ingushetia si ay ciidamada amniga ee Ruushka u weeraaraan sannadkii 2016.

Unugtana ayaa iskugu yeedhay “Gulgash State”, kuna dhawaaqay inay daacad u yihiin ururka Daacish.

Baadhitaanku wuxuu shaaca ka qaaday in xubnahani ay ku lug lahaayeen falal argagixiso oo ka dhacay gudaha dalka Ingushetia, oo ay ka mid yihiin toogashada askar Ruushka ah xilligii dayrta 2012 iyo diyaarinta ismiidaamin ay ka fuliyaan mid ka mid ah magaalooyinka Ruushka Sebtembar 2013, iyo sidoo kale weerarrada booliska iyo amniga.

Maxkamadda ayaa xubnahn ku riday xukumo kala duwan oo u dhaxeeya xabsi 5 illaa 14 sano.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso