Booliiska Shiinaha oo xiranaya ookiyaal lagu aqoonsanayo wajiyada dambiileyaasha

(Toggaherer)-Booliiska Shiinaha oo xiranaya ookiyaal lagu aqoonsanayo wajiyada dambiileyaasha.

Booliiska dalka Shiinaha ayaa bilaabay in ay xirtaan ookiyaal lagu rakibay kaamiro ku xiriirsan qadka internet-ka, taas oo leh aalad casri ah oo lagu aqoonsan karo wajiyada dadka dambiyada lagu tuhunsanyahay ee ku jira diiwaanka dowladda.

Ookiyaalahan ayaa waxaa ku rakiban kaamiro lagu aqoonsan karo wajiyada dambiileyaasha

Ookiyaalayaashan ayaa durba booliiska ka caawiyay in ay soo qabtaan illaa 7 dad la tuhunsanyahay.

Booliiska ayaa tagay boosteejo tareen oo dad badan ay ku suganyihiin, kadibna ookiyaalayaasha ku eegay, halkaas oo ay ka dhex aqoonsadeen dadkii la tuhunsanaa.

Sida uu qoray wargeyska People’s Daily, booliiska ayaa sidoo kale soo qabtay 26 qof oo isticmaalayay kaarka aqoonsiga oo been abuur ah.

Ookiyaalka ayaa sawir ka qaadaya qof kasta oo lagu eego, wuxuuna sawiradaas barbar dhigayaa kuwa horey u kaydsanaa oo laga hayay dad dambiyo lagu tuhunsanyahay, sidaasna waxaa lagu heleyaa macluumaadka qofka sida magaciisa oo kale.

Illaa 17 milyan oo kaamirooyinka aanan libiqsanin (CCTV) ayaa ku xiran Shiinaha, iyada oo la qorsheynayp in 400 milyan kale la rakiyo saddexda sano ee soo socota la rakibo.

Shiinaha ayaa adduunka hormuud ugu ah aaladaha casriga ah ee wajiyada dadka lagu aqoonsado, waxayna haddaba dhisayaan kaamiradii ugu weynayd adduunka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso