Reer Asxaabul Kahaf W/q: Maxamed Sheekh Daahir

Reerkan badhkood inay sidii Reer Asxaabul Kahaf, ay muddo dheer hurdeen waxa aad ku garaneysaa, taariikhdoodii hore aya’aanay wada aqoonin. Sidaas darteed, waxa kuu caddaaneysa, inay qeyb ka mid ah soo’yaalkoodii, ay seexadkaas ku wada dhaaftey.

Taariikh 700 (todoba) boqol oo sannadood iyo dheeraad ah, aya’anay meel ku ogeyn. Waxa dhagaha loogu qabtey oo kali ah, inay yidhaahdaan: Axmed Sheekh Isxaaq aya’nu ka soo tafiiraney. Axmed Sheekh Isxaaqu’na inuu qarnigii 13aad uu Sanaag ku noolaanjirey, aya’ay sheegayaan.

Haddii aad ku tidhaahdid: Sallaankaas dheer hoos uga soo degga, oo qunyar soo dhaqaaqa, oo soo addinqaada, oo tallaaba kasta’na soo taariikheeya, jaranjarada oo dhan aya’ay ka soo boodayaan, oo qarnigii 20aad iyo galbeed, aya’ay ku soo dhacayaan.

Hadda’ba mudda’daas 700da boqol ee sannadood ah, ee ay ka soo dul boodayaan, ma wa’aaney jirin, oo shaley aya’ay dhasheen, mise taariikhdoodii saxda ahayd aya’anay kaseynin, mise wa’ay gama’sanaayeen, oo god aya’ay dhex khuurinayeen? Reer Asxaabul Kahaf, iga dheh!

Si kasta ha ahaadaan’e, inay lunsanyihiin, oo soo’jiritaankoodii hore ay ka dhacsanyihiin waxa u dalliil ah, dhacdo kasta oo run ahayd, oo beesha la soo daristey’ba, wa’ay majaro’habaabinayaan, oo wa’ay murginayaan.

Tusaale:

Waxa ay yidhaahdaan: “Ugaadh Abokor (Ugaadh-yahan), ayaa Toljecle, boqor ka dilley.”

Waa been qaawan, oo sal iyo raadraac midkoodna aan lahayn. Waa nifaaq, oo dad munaafaqiin ah, ayaa dacaayaddaas sameeyey; oo shaaciyey. Danta ay ka lahaayeeni’na waxa ay ahayd, inay reero wada dhashey, oo isku beel ah, inay kala faquuqaan, oo ay kala fogeeyaan; oo ay kala dillaan.

Sida la wada ogyahay, reero Ugaadh Aadan-madoobe ah, ayaa beesha Ugaadh Abokor ee Ugaadh-yahan ku dhexmilan. Hadda’ba si dadkaas oodwadaaga ah, naxli loogu dhex’abuuro, ayaa khuraafaadkaas loo allifey; oo loo adeegsadey.

Sidaas awgeed, aya’anu boqor Toljecle laga dilley’i, aanu jirin. Sheekadu’na waa mala’awaal, oo warxumotashiillayaal ayaa hindisey; oo fidiyey. Reer Asxaabul Kahafna, run aya’ay moodeen, oo taariikh aya’ay ka dhigteen.

Waxa’se hubaal ah, inay qoladii Ugaadh Aadan-madoobe, inay ilaa haddeertan, inay beesha Ugaadh Abokor ee Ugaadh-yahan, inay sidii gaashaanbuur ula yihiin; oo ay sidii u dhex dagganyihiin. Arrintaasi’na, mid iyaga ka qarsoon ma ahan, oo mid beesha Ugaadh Abokor ee Ugaadh-yahan ay moogtahay ma ahan; oo waa mid laga wada dharagsanyahay.

Aan ka ahayn: Reer Asxaabul Kahaf.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso