Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wefti Ka Socda Dawladda Ingiriiska

 

Hargeysa-07-02-2018-(ToggaHerer)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Amb. David Concar oo ay wehelinayaan Madaxa u fadhiya xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Somaliland, Madaxa Hay’adda Ingiriiska u qaabilsan deeqaha dibadda ee DFID, saraakiil kale oo arrimaha militeriga iyo mucaawimooyinka dibadda u qaabilsan.

Waxaana kulankaasi si gaar ah diiradda loogu saaray, sidii Somaliland ay gaar ugu heli lahayd deeqaha ay ka hesho dunida, gaar ahaan Ingiriiska, si ay qayb uga noqdaan gurmadka abaaraha soo cusboonaaday, iyada oo sidoo kale waxa kulankaa lagaga wada hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta deeqaha ay Somaliland ka hesho dalalka Denmark, Britain iyo Norwey, waxaanay madaxda dawladda Ingiriiska ee kulankan ka qayb-gashay  ballan qaadeen maanta in ay ka Ingiriis ahaan  ku shubayaan sanduuqa horumarinta Somalilnad (Somaliland Development Fund) lacag dhan  25-Milyan (shan iyo labaatan milyan) oo dollar.

Sidoo kale waxa shirkaasi lagu soo qaaday mashaariicaha kala duwan ee Somaliland ay u soo mariyaan ingiriisku Hay’addaha Qaramada midoobay, Baanka adduunka iyo kuwa caalamiga ah ee wax lagaga qabto arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo dib-u-habaynta cashuur-ururinta, tababarada ciidamada Booliska iyo dib-u-habaynta garsoorka iyo Maxkamadaha dalka.

Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaayey Kulanku waxay kala ahaayeen:-

 

  1. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
  2. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.
  3. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed.
  4. Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)
  5. Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Cawaale Ibraahim Shirwac.
  6. Wasiirka Gashaandhigga Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf.
  7. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani
  8. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan
  9. Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Aadan Xaaji Cali Axmed.

Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnaayeen

 

  1. Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. David Concar
  2.  Madaxa Hay’adda DFID u qaabilsan Ingiriiska Phil Evans.
  3. Madaxa  dawladda ingiriiska u qaabilsan xafiiskeeda Hargeysa, Rosie Tapper.
  4. La-taliye ka socday Hay’dda DFID oo lagu magacaabo Kate Greany iyo saraakiil kale.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso