Hindiya : Dhakhtar u gudbiyey 21 Ruux Xanuunka AIDS-ka Baxsadayna!

Sida laga soo xigtay ilo dhaqaatiirta Hindiya, qof sheeganaya in uu yahay dhakhtar ayaa qaadsiiyey Feeras-ka HIV Aids-ka ugu yaraan 21 oo uu ku muday Irbado wasaqaysan oo uu Xanuunka ku siday, sida laga soo xigtay Associated Press.

Dakhtarka beenta ah ayaa ka daweeynayay dadka saboolka ee tuulo Hargab,qufaca iyo shuban,Bilayska ayaa baadigoobaya Rajendra Yadav oo ka cararay Bangmaru, oo ah magaalo yar oo ku taal gobolka Uttar Pradesh.

Inta badan dadka buka ayaa sheegay in aysan waligood arkin Rajendra Irbadaha iska beddelaya, laakiin way aaminsanaayeen isaga sababtoo ah wuxuu ka qaadi jiray lacag yar.

Hindiya 2.1 milyan oo qof aaa qaba HIV, sida laga soo xigtay warbixinta Barnaamijka Wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee HIV-ga sannadii 2016.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso