Daawo: Abu Dhabi: 22 Ruux oo ku Dhaawacmay 44 Baabuur oo isku dhacay!!!!


Dhacdadan ayaa subaxnimadii Salaadada ka dhacday Wadada Sheekh Maxamed Bin Rashid Street (Abu Dhabi-Dubai Road) ee gobolka buundada Kizad, sida uu qoray wargayska Al Khaleej ee ka soo baxa UAE.

Wargeysku wuxuu sheegay in dhacdadani ay keentay in laba qof uu dhaawac culusi soo gaadhay halka labo qof oo kalena dhaawacyo dhexdhexaad ah iyo 18 qof oo qaba dhaawacyo fudud.
Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhaawacmay shilal 44 gaadhi oo isku dhacay caasimada UAE ee Abu Dhabi.

Waxay sheegtay in shilku ka dhacay sababo la xidhiidha Ceeryaan oo keentay hoos u dhac xaga araga ah iyo darawaliinta in ay masaafo ku filan ay kala dambeeyaan iyo sidoo kale socodka xawaare aad u sarreeya oo aan loo hoggaansamin duruufta waddada.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso