Warbaahinta Jamhuuriyada Somaliland waxa waajib idinku ah hussein Badmah

Warbaahinta dalka laga leeyahay

Dhamaan warbaahinta jsl waxaan leeyahay iga gudooma salaan iyo qadarin. Waxa ii raaca arrin dhamaanteen waajib inagu ah gaarna xil idinka saaranyahay inaan idin tusaaleeyo.
Kaas oo ah:
1.Joojinta qabyaalada.
2.Adeegsiga erayada afafka qalaad.

Shacabka jsl waxuu ka soo hor jeedaa oo uu diidanyahay ku dhaqanka Qabyaalada.Waxaynu ka dheregsanahay sannadahii ugu danbeeyay qabyaaladu inay xadhkaha goosatay,weliba ay ku milantay siyaasadii,iyo ganacsigiiba oo ay noqotay wejiyo badan.Waxaanay abuurtay inuu shacabku
kala fogaado.Waxay shacabka ka lumisay kalsoonidii xukuumada.Markay QABYAALADU halkaa inala marayso cid walibana doonayso in la damiyo,madaxweynahuna ku dadaalaayo la dagaalanka qabyaalada shacabka kala qoqobtay waxa WARBAAHINTA JSL xil culus ka saaranyahay inay joojiyaan duubista iyo faafinta cid kasta oo ku hadlaysa af beelaysan oo dab ku sii hurinaaya qabyaalada.Waa ayaan darro maalin walba inaan warbaahinta dalka ku arko ama ka dhegaysto muwaadiniyiin ku hadlaysa magac qabiil ama beel,madaxdhaqameed ku hanjabaaya af qabiil ama beelaysan.
Arrinka labaad ee toosinta u baahani waxa weeye Af-keena Somaligu waa hodan hadana waxaan dareemayaa WARBAAHINTA JSL inay ka sii durkayso adeegsiga afkeena.Halkaana waxay dhibaato ka soo gaadhaysaa dhalinyarada oo ah kuwa ugu tirada badan dalka oo iyagu aan sooba gaadhin erayo badan oo maanta aan laba adeegsan.Sidaa darteed WARBAAHINTA JSL waxa looga baahanyahay inay xoog saarto adeegsiga erayada afkeena hooyo.Waxaan rumays-nahay Warbaahintu inay tahay awooda 4aad ee hogaanka dalkaiyo baraha 2aad ee bulshada gaar ahaan dhalinyarada, waana hagaha 1aad ee shacabka.

Allaa Mahad Leh.
Uf anaa leh qabyaalada.

 

Xuseen Xasan Badmaax

4026100

Hargeysa/JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso