Awooda Fayadhowr

Sanitation And social servcise

Waa in dawlada hoose ay baadhan caafimaadqabka shaqaalaha meheradaha oo ah sharci in aanu ka howl galin goobaha hoos ku xusan isagoon soo marin baadhista caafimaadka gaarka caafimaad qabka shaqaalaha ka howl gala si loo ilaaliyo caafimaad qabka shaqaalaha sida hudheelada cuntada rayiislayaasha hudheelada hurdada goobaha warshadaha cajinnka oo ay ku hawl galaan xaashida fayaqabka ee 6 biloodba mar lagula soconaayo fayaqabka shaqaalaha gaarka si looga hor tago cuduro ka faafi kara goobahaas sida tuberclouses qaaxada cudurada caloosha sida shubanka etc
Waa in barlamanka dalku sii daaya sharciga iyo qawaaninta fayadhowr ee dalka u yaala
Waa in kor loo qaada awooda xifrada iyo aqoonta fayadhowr Shaqaale maamul , dhaqaale mushahar, shaqaale fayadhowr, oo kor loo qaado waxay in badan wax ka qabanaysaa sida…
Si ay bulshadu u hesho cunto fresh sida hilib nadiif cuntooyin iyo sharaab tayo fiican leh
Si loo ilaaliyo nadaafada biyaha iyo goobaha aynu ka helo biyaha sida baliyada ceelasha harooyinka loogana ag fogaado waxii biyaha fadaraynaaya ee gaadhsiinaya caafimaad xumo sida saxarada biyo dhaqida maryaha iyo in la ilaaliyo nadaafada weelka biyaha aynu ku shubano .
In la qubo alaabooyinka ganacsi ee sida dawooyinka , raashinada, cuntooyinka ay tayadoodu waxtar xumaatay ee lagusoo ururiyay howl shaqo fayadhowr iyadoo la raacayo sharciga fayadhowrka
In laga howl galo xafiisyada fayadhowrka ee AIRPORT DEKADAHA si loolasocdo caafimaad qabka gaarka ah ee buuga talaalka dhoofka
In kor loo qaado heerka nadaafada sariibadaha magaalooyinka iyo goobaha ganacsi ee hilibka si loogu isticmaalo hilib nadiif ah
In qofkii goob aan loogu talo galin qashinka ku tuura uu mutaysto ganaax sifo sharci fayadhowr ah
Waa in laga baahiya sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka sida maaregtooyinka gaarka loo leeyahay tv yada radio joornalada dalka si bulshadu u fahanto macnaha ereyga fayadhawr iyo ujeedooyinka ka dambeeya si bulshadu ugu hogaansanaato sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka dalka jsl

In kor loo qaado nadaafada maaraynta qashinka magaalooyinka , qashinkina loo kala saaro noocyadiisa qashin si dib looga faa,idaysto qashinka wax soosaarka dhaqaale leh
In la ilaaliyo la socodka caafimaad ee shaqaalaha ka howl gala shirkadaha maaraynta qashinka magaalooyinka dalka iyagoo had iyo goor ku hawl galaya qalabka loogu talo galay waxyeelada ka iman karta waqtiga qashin ururinta ay ku guda jiraan

In loo kala saaro darajooyinka heerkooda nadaafadeed dhamaan Hudheelada Hurdada cuntada iyo cabida magaalooyinka iyadoo la raacayo sharuudaha fayadhowrka ee lagu baahiyay meheradohooda ganacsi lana gudoonsiiyo shahaado sharaf inay noqoto dhiiri galin nadaafadeed

Waa in dawlada hoose ee dalku ay dib usoo celiyaan wada shaqayntii waaxaha fayadhowrka iyo wasaarada caafimaadka oo leh mar walba wada shaqayn joogta

Advertisement

Ku Xayeysiiso