Gudaha Ka Daawo :R/W Khayre oo Daah-furay Xafladda Sanad guuradii 1-aad ee Dib-u-howl galinta Xiriirka Guud ee Ururada shaqaalaha Dawladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo ay soo qaban qaabiyeen xiriirka guud ee Ururada Shaqaalaha dawladda. xafladan ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadka ururka oo sanad jirsaday iyo u mahad celinta Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Khayre oo ahmiyad wayn siisay shaqaalaha dawladda.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb galayn Wasiiro, Xildhibaano, Xiriirka guud ee ururada Shaqaalaha dawladda iyo qaybaha kale ee bulshadda, ayaa ugu horayntii lagu soo bandhigay waxqabadka xiriirka guud oo sanad jirsaday, waxaana sidoo kale la soo bandhigay shakhsiyaadkii howl karnimada muujiyay mudadii uu jiray ururku, iyagoona goobta lagu gudoonsiiyay Shahaado sharafyo.

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Xil- Cabdicasiis Saalax Carmaan, ayaa ka mahad celiyay ka soo qaybgalka Ra’iisul Wasaaraha ee munaasabadan, wuxuuna shaqaalaha ku dhiirigaliyay in ay labalaabaan dadaalkooda, ayna hormariyaan waayo aragnimadooda iyo khibradooda shaqo si dalka uu hormar u gaaro. Sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay madaxda ururada shaqaalaha kala duwan, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa isna ka sheekeyay taariikhda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hadafka xukuumadiisu uusan ahayn oo kaliya bixinta mushaaraadka shaqaalaha dawladda, balse uu yahay in ay shaqaalaha qaranka gaarsiiso in ay awood u yeeshaan qabashada shaqadooda. Wuxuuna bogaadiyay shaqaalaha sida ay ugu dhabar adeegayn waqtigii adkaa ay soo mareen.

“Waa in dalkeena uu noqdaa sidii uu ahaan jiray iyo ka siifiican, taasna waxaa inoo sahli kara anagoo dadaal dheeraad ah samayna. Marka waa in aad Indhihiina kala furtaan oo la timaadaan shaqo hufan iyo dhiiranaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaae Khayre ayaa tilmamay in ay Soomaaliya tahay markii ay ugu rajadda wanaagsanayd, Beesha caalamkuna ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan dawladda. Waxuuna ka soo qayb galayaasha kula dardaarmay in ay mar walba muhiimadda siiyaan danta guud ee dalka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqday xarunta gobolka Banaadir, waxuuna kula kulmay Gudoomiyaha gobolka ahan duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Yariisow), gudoomiye ku xigeenka Amnigga iyo Siyaasadda iyo Xooghaya gobolka Banaadir, isagoona kala hadlay xaaladda guud ee gobolka iyo howlhii ay ku soo kordhiyeen shaqadii ka socotay gobolka Banaadir.

Advertisement

Ku Xayeysiiso