Madaxweyne Muuse Biixi muxuu ku saleeyay magacaabista golihiisa xukuumadda?.

Madaxweyne Muuse Biixi muxuu ku saleeyay magacaabista golihiisa xukuumadda?.
♡. Ma habka beelaha
♡. Ma xisbinimo
♡. Ma jeegaan
♡. Mise beel & codkeed, neef & sarartii.
Muxuuse ahaa miqyaaska uu ka duulayay ee u ahaa merjeca biyo kama dhibcaan-ka ah.
Isagoo miqyaaskiisa uu ka duulayaana ahaa beel heblaayo xisbiga waddani ma kaaga badisay haddiiba doorashada lagu kala heli-laa codka beeshaa/gobolkaa/degmadaa & tuule heblaayadaa.
Wallee ninkii aan dhimani inuu tuwal-ba arki.
Hadaba Xukuumadda Cusub & xilalka uu bixiyay-ba waxay ku bays-gareysanyihiin reer & codkii, neef & sarartii. Isagoo mansabyada xukuumaddiisa u bixinayay jaa’iso ahaa &  abaal celin.
Marka laga reebo lix mansab Oo Kala ah:
1.  Wasiir Ku xigeenka waxbarashada. Cabdiqadir dhagaweyne. Oo uu ku magacaabay cadar muxumed darteed.
2.  Wasiirka gaashaandhiga ciise Axmed. Oo uu u magacaabay kuna sharfay suldaan Siciid cabdisalaan Oo ah suldaanka guud ee beelaha warsangali.
3.  Wasiirka caafimaadka dr. Xasan. Oo uu u magacaabay mid ka mid ah shanta ardaa ee deegaanka burco  (reer caynaashe). Isagoo ku dedeyay magaca jeegaanta oo hadal hayntiisu ku badnayd deegaanka burco.
4.  Wasiirka dhalinyarada & ciyaaraha Mr. Boos.  Oo uu u magacaabay mid ka mid ah labada ardaa ee dega gobolka sanaag  (Muuse Ismail Cabdale xaamud, reer Ibraahim). Isagoo ku bakhtiinayay shirkii lagaga dhawaaqay qabashadiisa deegaanka ceerigaabo.
Markay halkaa mareysay ayaa waxa hadlay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo daboolka ka qaaday jeegaantii uu madaxweynuhu dedeyay kuna dedey wasiirka caafimaadka. Halkaas Oo uu wasiirkii caafimaadka xoojin uga dhigay.
5.  Badhasaabka gobolka togdheer Oo isna ka mid ah ardaayada deegaanka burco (reer wayd). Oo ay kala noqonayaan caynaashe & xirsi bari. Halka uu ku xoogiyay wasiirka ciyaarahana
6.  Afhayeenka madaxtoyada oo isna noqonaya (cismaan xaamud).
Markay halkaa mareyso bulshada qaarkeed waxay is waydiinayaan su”aalo door ah kuwaas Oo ay ka mid yihiin:
1. Maxaa laga filan karaa xukuumad ku dhisan reer & codkii, neef & sarartii?.
2. Mase laga filan karaa in mashaariicda dawladda iyana lagu saleeyo calaa beel & codkeed?.
3. Suuragal-se ma tahay in khayraadka wadanka isna ay bays u noqoto in wax lagu qaybsado codkii uu ka kala helay qaybaha bulshada & deegaanada?.
4. Xaq-se ma u leeyahay inaan idhaahdo runtii may ahayn markuu lahaa kii ii codeeyay & kii iga codeeyay-ba madaxweynaan u ahay?.
5. Mase odhan karaa haddiiba alla ku simo inuu mar kale isasoo sharaxo kalsoonidii shacabka wuu iska lumiyay oo wuu ku tagri falay, isla markaana abaar dhawrta cararay?.
Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye.
Tu kaloo ka daran baa jirta”e taana bal aan sheego.
6. Shacabka qaarkii kalsooni intee leeg ayay ku qabi karaan xukuumadda madaxweyne muuse, ee uu seeska uga dhigay neef & sarartii?.
Ugu denbeyntii:
7. Ma odhan karaa wuxuu meel uga dhacay dastuurkii dalka & axdi qarameedadii burco & borama?.
Horaa loo Soconayaa .
Qalinkii: garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso