49 dagaal yahanno Kurdi ah oo lagu dilay weeraro Cirka ah oo uu ku qaaday Turkigu waqooyiga Ciraaq…

Ciidanka Turkiga ayaa sheegay inay ku dileen 49 dagaalyahan oo Kurdi ah duullaan cirka ah oo ay ku fuliyeen dagaalyahanada ku sugan goobaha Kooxda PPK ee waqooyiga Ciraaq.

“Hawlgalkan ayaa ahaa laba weerar oo kala duwan oo lala beegsaday bartilmaameedyada Qandil, Zab, Afashin-Basan iyo Harkurk,” ayay wakaaladda wararka ee Anadolu ku sheegtay War ay ka soo xigatay Taliska Ciidanka Turkiga.

Wakaalada ayaa ku tilmaantay in xogta ku saabsan khasaaraha ku dhacay “PKK” laga helay ilaha maxaliga ah ee gobolka, taas oo tilmaamaysa suurtagalnimada macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tirada dhimashada kadib.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso